Shan Qof Oo Ku Geeriyooday Weerar Dabley Ka Fuliyeen Ceel-Afweyn

0
808

Ceel-Afweyn (Hargeisa Press.com): Shan qof ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhinteen tiro kaloo intaa ka bada-na ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed mar kale maanta ka dhacay  degaan ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Waxaanay wararku sheegayaan in saaka subaxnimadii koox dabley ah oo hubaysan ay rasaas ku fureen meel suuq laga dukaamaysanayay oo ku taalla degmadda Ceel-Afweyn.

Halkaasna ay ku dhinteen shan qof afar kale-na ay ku dhaawacmeen, iyadoo la soo sheegayo in khasaare hantiyeed-na uu ka dhacay goobta.

Sida uu xaqiijiyay maayarka degmadda Ceel-Afweyn C/raxiin Aw Yuusuf, oo maanta khadka telefoonka ugu waramay Bulsho TV isagoo ku sugan magaaladda Ceel-Afweyn.

“Saaka subaxnimadii sideedii iyo badhkii, ayaa koox dabley ah waxay meel suuq ah oo magaaladda badhtankeedda ah iyo meel kale weerar ku soo qaadeen.

Waxaana ku dhintay oo ay ilaa hadda geeridu maraysaa shan qof. Laba dumar ah iyo saddex ragg ah. dhaawacuna waa afar ruux, oo ay laba aad u liitaan”ayuu yidhi maayarka Ceel-Afweyn.

Wuxuu sheegay in dableyda weerarka maanta gaystay ay ka soo jeedaan dhinac ka mida labadii beelood ee dhawrka jeer ee hore halkaasi ku dagaalamay. Waxaanu yidhi “Dableyda weerarka soo qaaday dhinac ka mida labadda beelood ayay ka soo jeedaa”.

Geesta kale maayarka degmadda Ceel-Afweyn, waxa uu sheegay in kadib dhacdadaasi maanta in ay degaanka soo gaadheen ciidamadda dawladda ee milateriga iyo booliska ee halkaas ku sugan, isla markaana ay hadda xaaladda gacanta ku hayaan.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Degaankan xukuumadu gacanta ayay ku haysaa ciidamo culus oo boolis iyo milateriba ah ayaa jooga, oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka Birmadka. Waxa kaloo jooga taliyihii qaybta ee milateriga, badhasaabkii gobolka Sanaag ayaa jooga.

Dawladu way joogtaa, gurmad xoog leh ayaanay ka samaysay. Hawsha iyo amniga goobta-na iyadaa gacanta ku haysa”.

Dhinaca kale dagaal beeleedkan u dhexeeya beelaha wada dega Ceel-Afweyn oo muddo dhawr sanadood ah taagnaa ayay ka dhasheen khasaare dhimasho oo badan iyo mid hantiyeedba.

Inakstoo marar badan xukuumadda Somaliland, madax dhaqameedka iyo waxgaradka Somaliland iyo dhinacyo kale-ba heshiisyo dhex dhigeen labadan beelood ayaan marnaba si buuxda u dhaqan gelin.

Hadaba maayarka degmadda Ceel-Afweyn C/raxiin Aw Yuusuf, oo wax laga waydiiyay waxa sababay in colaad beeleedkani ay soo noq-noqoto, maadaama oo dhawr jeer oo hore xal iyo heshiisiin laga gaadhay.

Waxaanu ku jawaabay, “Sabab way dhaaftay, oo muddo dheer ayay waxani soo socdeen, oo marba iska soo daba noqonayeen, oo aanooyin iyo khasaare iyo belaayo ka dhacayay.

Xukuumadda Somaliland iyo ummadda reer Somaliland iyo dhinacyo badan ayaa ka hawl galay dedaaladda lagu daawaynayo colaadaasi. ILLAAHAY (SWT) ayaan ka rejaynaynaa in uu daawadeedda keenno”ayuu yidhi maayarka Ceel-Afweyn.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here