Shan Qodob oo Uu Ballan Qaaday Cabdikariin Axmed Mooge

0
1259

Hargeisa (Hargeisa Press) – Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa saaka loo doortay maayirka magaalada Hargeysa kadib doorasho ka dhacday xarunta Golaha deegaanka.

Doorashada, ayaa ahayd mid loo dhan yahay, waxaana Cabdikariin Axmed Mooge si aqlabiyad leh ugu doortay maayirka Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo guud ahaan Somaliland ka billowday dabaal-degyo lagu soo dhoweynayo doorashada maayirka cusub ee Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge.

Cabdikariin Axmed Mooge waxaa dhalay fannaankii caanka ahaa ee Axmed Mooge Liibaan, oo gayiga Soomaalida aad looga yaqaanay.

Waxaa suuragal ah in magacaas uu wax badan ka caawiyay, marka la eego caannimada aabihii oo fannaan ahaa.

Qofkasta marka la soo qaado magaca Mooge wuxuu xasuusanaya Aabihihii iyo saameyntii uu ku lahaa fanka Soomaalida.

Cabdikariin Axmed Mooge oo ka baxay Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa wuxuu ahaa musharrax ay isku waafaqeen seddaxda xisbi-siyaasadeed ee Somaliland.

Doorashadii golaha deegaanka, wuxuu Cabdikariin ku soo baxay 26,299 oo cod, halka musharraxa xisbi ahaan ku soo xigay uu helay 5,412 oo shan laab ka yar inta uu helay Cabdikariin, halka musharraxa cod ahaan ugu soo xigay oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiyana uu helay 8,992.

Ugu dambeyn Cabdikariin Axmed Mooge maanta, ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay maayirka cusub ee magaalada Hargeysa.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Ballan qaadyadiisii wax ka bedelka Haregysa.

1: Cadaaladda Shacabka

Markii la doortay ka dib khubad uu jeediyay ayuu ku sheegay in shacabka magaalada Hargeysa ay u sinnaan doonaan, kuwii doortay iyo kuwa aan dooranba.

“Waxaad dirteen farriin dadban oo ah qofka aad rabtaan in uu maayir idiin noqdo, anna maanta laga bilaabo waxaan gelayaa dedaalkeeda,” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Mooge kadib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii golaha deegaanka.

“Waxaan ahay mudane gole deegaan oo huwan codkii ugu badnaa oo ay bixiyaan shacabka reer Hargeysa iyo shacabka Somaliland. Waxaan ahay mudane Qaran, mana noqonayo mudane qolo ku suntan.” “Waxaa iga go’an in aan rumeeyo riyooyinkiinna iyo rajadinnaba, qof kasta oo tabanaya inuu mudane xaafaddiisu u soo bixin, aniga ayaana mudane u ah.”

Waxuu sheegay in sinnaanta iyo caddaallad uu xoojin doono.

“Waxaynu kor yeeli doonnaa sinnaanta, wada noolaashaha, reer Hargeysanimada, waxaan soo afjari doonnaa oo aan halgankeedii sii wadi doonnaa qabiilka iyo qolo-qolada.”

2: Qurxinta bilicda Hargeysa

Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ballan qaaday inuu magaalada Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono.

“Magaalo Cagaaran ayaan sameynayaa. Barnaamijkeyagu wuxuu leeyahay qof iyo geed, Guri iyo geed. Guri kasta waxaan ka raba ugu yaraan hal geed inuu beero, qof kasta oo reer Somaliland ahna waxan ku wacyigelineynaa inuu hal geed beero.

“Ciiddan iyo bustan magaalada yaalla markaan ka gurno hubaal magalada Hargeysa waxay noqoneysaa magaalda cagaaran. Dowladda hoosana waxay waraabineysaa dhirtu, xoolahana magaalada dhex daaqayana waan ka saarayaa.”

3: Biyaha, korontada iyo iskuullada

Maayirka cusub wuxuu hore u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatooyiinka magaalada, sida biyaha iyo korontada.

Wuxuu yidhi: “Xeerka Soomaliland waxa uu dhigayaa in dhammaan adeegyada, sida biyaha korontoda iyo iskuullada ay wax ka qabato dowladda hoose, sidaa darteed wax ayaan ka bedeli doonaa dhammaan baahiyaasi.”

“Riyadeydu waxay tahay in carruurteennu ay helaan iskuul ka taya wanaagsan kuwa gaarka loo leeyhay ee carruurta lagula cararo, iyo sidoo kale hooyada iyo ilmaheeda waa inay helaan xarun caafimaad oo aan gurigeeda ka fogeyn oo ay ka hesho caafimaadka aasaasiga ah oo bilaash ah,” ayuu sheegay.

4: Ilaalinta hantida shacabka

Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay inay khasab tahay in la ilaaliyo hantida dadweynaha.

“Ragga imanaya waa in ay dhageystaan dhawaqa baxaya ee ka soo baxaya shacabka, sidaa darteed, Hargeysa ma rabto nin aan iska ilaalin karin oo aan ka soomi karin hantida shacabka.

“Hargeysa waxay u baahantahay madax ilaalisa ammaanada umadda,” ayuu yidhi, isagoo u muuqday qof ka hadlaya ka hortagga musuqmaasuqa.

5: Kubadda cagta

Dhalinyarada ayuu u ballan qaaday in uu wax ka bedeli doono garoomada kubadda cagta lagu ciyaaro iyo guud ahaan cayaaraha.

“Dhallinyarada waxaan u sheegaya in garoomada lagu ciyaaro kubadda ee haatan laga kireeyo aan wax ka qaban doono,” ayuu yidhi.

“Waxay riyadaydu tahay inaan hirgeliyo garoon ay taallo kubadda iyo kabta aad soo bariday,” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Mooge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here