Shacbiga Degmooyinka Gobolka Gabiley Oo Ka Dareen Celiyay Mashaariicda Maamulka Golaha Deegaanka Xiligani Ka Hirgaliyay Degmooyinkaasi

0
1090
Gabiley,(HargeisaPress) —Qeybo Badan oo Kamid ah Shacbiga Ku Nool Degmooyinka Gobolka Gabiley ee ay Kamid yihiin Degmada Alleybadey, Arabsiyo,Agabar iyo Tog-Wajaale iyo Shacbiga Magaalada Kalabeydh ayaa dhamaantood ka dareen Celiyay Waxqabadka Dhinacyadda Arimaha Bulshada Aasaasiga u ah ee Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ee Xiligani ka hirgaliyay Guud ahaanba Degmooyinkaasi.
Odey Muuse Gaheyr Waceys oo Kamid ah Waxgaradka Degmada Alleybadey ee katirsan Gobolka Gabiley, oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga Waramey Sida ay Dadweynaha Degmada Alleybadey uga  Dareen Celinayaan kaalinta uu ka geystay Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ee Xiligani oo uu Hormuud u yahey Maayarka ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Maxamed Amiin Cumar Cabdi Waxqabadka Shilis ee uu kaga Qeyb qaatey Dhismaha jidka u dhexeeya Degmada Alleybadey, iyo Caasimada Hargeysa maadaama ay Shacbiga Reer Alleybadey jidkani ku yahey mid lafdhabar u ah Bulshada Dareen gaar ahna lu leh.
“Waa mid aanaan Ilaaweyn haddaanu nahey Shacabka Reer Alleybadey kaalinta uu ka Qaatey Maayarka Gabiley(Maxamed-Amiin) Dhismaha jidkaasi Xidhiidhinaya Degmada Alleybadey iyo Caasimada Hargeysa, oo Mudoba Socdey ilaa iyo haddana Socda dhaqaale Shilis ayuu la geystay oo kaga Qeyb qaatey Waanu u haynaa toban jeer oo Dambe hadduu isa soo Sharraxo Waa laga Dooranayaa Deegaanka Allebadey” Ayuu yidhi odey Muuse Gaheyr.
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in midhaha Golaha Deegaanka Gabiley, ay ka hayaan Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi.
Sidoo kalena qeybo badan oo iyaguna kamid ah Shacabka Degmada Arabsiyo kuwaas oo isugu jira Ragg iyo Dumarba Waxa ay ka dareen Celiyeen dhismaha jidka dhex mara gudaha Magaalada Arabsiyo kaas, oo ay uga mahad celinayaan Maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, iyagoo Sheegay in uu yahey Waxqabad ay abaal ugu hayaan oo Aaney ilaaweynin Taariikhdana u gali doona maadaama Aaney Arabsiyo hore uga dhisin Mashruuc Waxqabad oo jidkaa u dhigma Madax badan oo kasoo jeeda Arabsiyo oo Madax ka Noqdey Gabiley Sida ay hadalkooda u dhigeen.
“Hadaanu Nahey Shacbiga ku nool Degmada Agabar Ma ilaawu karno, Waananu mahadinay Maamulka Golaha Deegaanka Gabiley, Wuxuuna Noqdey Maamulkii.u Horeeyay ee Waxqabad muuqda ka hirgaliyay Degmada Agabar Saidhigaa uu Noo dhisey Waa Wax Weyn Soomaalidu Waxey Tidhaa Ninka Waxa yar ku Siiya  ayaa Wax weyna ku Siin karra Wax yar nooma qaban maanta,e Wax weyn ayuu noo Qabtey Wax weyn oo kalena Waanu ka filaynaa” Sidaana Waxa yidhi odey Cabdilaahi Axmed oo kamid ah duqeyda Degmada Agabar.
Sidoo kalena qaar kamid ah Dadweynaha Degmada Tog-Wajaale ayaa iyaguna ka mahad Celiyay doorka Maamulka Golaha Deegaanka Gabiley ka qaatey Mashaariicda hurumarinta gaar ahaana Biyo galinra Tog-Wajaale iyo Waxqabadyo kale taas oo aan hore uga suurtagalin Maamuladii hore ee qaarkood Dakhliga Cashuuruhu uga soo Xeroon jireen Wajaale.
Sikasta oo ay tahey Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ee uu hogaaninayo Maayar Amiin ayaa noqonaya Maamulkii u horeeyay, ee gacan kawada geysta Mashaariicda Waxqabadyadda Adeegyada aasaasiga u ah Bulshada Inta ugu badan ee Degmooyinka Gobolka hoos yimaada oo aaney, Wakhtigan Wax dhaqaale ahi uga soo hoyan Dhinaca Dakhliga D/hoose ee Degmada Gabiley maadaama intii aaney Gabiley Gobolnimada Qaadanin ay Dakhli Cashuureed uga soo Xeroon jireen haseyeeshee, aan Waxqabad noociisa ah lafa fulinin Degmooyinkaasi taas, oo ay Dareen Culus kaga jawaab Celiyeen Shacabka Degmooyinkaasi ku nool Guud ahaan inkastoo aynaan halkan kusoo Wada gudbinin Waxaana dadkaasi la dareen ah Shacabka Reer Gabiley oo iyaguna 27kii Sano hadda si Weyn u Dareemay Bilicda iyo Dhismaha jidadka Gudaha Magaalada iyo Waxqabadyadda tira badan ee laga hirgaliyay Magaalada Gabiley.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here