Shacabka Tog-Wajaale Oo La Fajacsan Ganacsade Dhismihiisa Marar Badan Loo Xayirey Sabab La.aan iyo Dacwado Foojari ah

0
1351

Tog-Wajaale,(HargeisaPress) — Dacwada Dhulka  Mulkigiisa uu Leeyahey Ganacsade Axmed Xasan Seed oo Dhismihiisu ka Socdey Nawaaxiga Ex Sayladii hore ee Magaalada Tog-Wajaale ayaa , Toddobaadyadii u Dambeeyay Fajac iyo amakaag ku Ridey Guud ahaanba Shacabka Kunool Magaalada Tog-Wajaale Kadib Markii Amar Xaga Sare kaga Yimid Maxkamada Gobol Degmo ee Gabiley Xayiraad Lagu Saarey Dhulkaasi oo Dhismihiisu Dhameys tir ku Dhawyahey.

Sida ay HargeisaPress u Xaqiijiyeen Qeybo badan oo Kamid ah Shacabka Magaalada Tog-Wajaale Waxa Dhawaan Weerar Dacwadeed oo aan Sharci iyo Xuquuq midna haysan kusoo Ekeeyay Dhismaha Dhulkan Koox dhinaca Hargeysa kasoo abaarey, oo ay badhi taageerayaan Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye iyo Masuuliyiin kale oo Xukuumada Dhexe katirsan iyo Waliba Gudoomiyaha Gobolka Gabiley oo Amar Culus Dabada lagaga riixayo Waana Sababta Keentey in Dhullkaasi uu Shuruucdoodii iyo Mulkigoodii Haysto Ganacsade Axmed Xasan Seed Iyadoo dhismihiisu Socdo Toban Jeer Xayiraad iyo Amar lagu Joojiyey.

“Waa mid aan Eegaynay in Sacad Muuse Isbaheystey, oo Hore Huwan u ahaa in ay Maanta Ganacsadahayagii Ku Tijaabiyaan in ay ka Qaataan Xaqiisii, Sababta Waala garanayaa, oo intan Muuse Biixi talada Qabsadey Waxaa Xiniinyo Dheeraad ah lasoo Baxey Ina Aw Siciid oo Baadil Rabba iyo Ina Muuse Diiriye oo ah ushii uu Galka ku dayayey Marka Ganacsadahayagii loo Soo Dhigtey Waxaan u aragnaa in aan Miskiinkayaga La hambeyn Doonin Laakiin Tan cidna ka Yeeli Mayno oo Waxaanu ka Xignaa Dhimasho Ilmihii Dhashey Maalintii Axmed Xasan Dhulkaa La Siiyay Maanta Ilmihiisiibaa Kusoo Gaadhey, Macquul ma aha in Muuse Diiriyaw hawshaadu” Sidaa Waxa yidhi Axmed Cismaan Maxamuud oo Kamid ah Shacabka Kunool Magaalada Tog-Wajaale.

Arinta Dacwada Dhulkan ayaa la Sheegayaa in Xiisadeedu Saamayn badan ku Yeelatey Gudaha Magaalada Tog-Wajaale iyadoo fajac iyo amakaag ky Noqotey Mar kale Kadib markii Dib Loo Xayirey Dhismahaasi oo Dhamaad ku Dhawaa Maadaama Laba Jeer oo hore la Joojiyey Dhismahan isagoo Socda iyadoo ay Wararka la Isla Dhex marayaa tibaaxeen in ay Warqad Foojari ah ku Sheeganayaan Dhulkan Koox uu Lasocdo Wasiir/Kuxigeenka Daakhiligu iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisaPress.com 

LEAVE A REPLY