Shacabka Somaliland Oo u Dhag Taagaya Ku Dhawaaqista Natiijada Doorashada Madaxtooyadda Somaliland Iyo Guddiga Komishanka Qaranka Oo La Filayo

0
1669
Shacabka Somaliland Oo u Dhag Taagaya Ku Dhawaaqista Natiijada Doorashada Madaxtooyadda Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shacabka Somaliland ayaa wali waxay u dhag taagayaan ku dhawaaqista ay guddiga komishanka Qaranka Somaliland ku dhawaaqaan natiijada doorashada madaxtooyada Somaliland ee ah murrashaxa madaxwayne iyo ku xigeenkiisa ku guulaystay inay shanta sanno ee soo socda manjaraha u hayaan Qaranka Somaliland.

Shacabka magaalooyinka waa wayn ee Somaliland ayaa xogaha naga soo gaadhayaa ay sheegayaan in ay saaka ilaa xalay is waydiinayeen wax war ah oo kasoo kordhay doorashadii shalay loo dareeray,iyaga oo sidoo kale ku sheekaysanaya qaabkii dimuqraaddiyada ahayd ee ay shalay dalka Somaliland uga dhacday doorashadii madaxtooyada Somaliland.

Saaka shacabka Hargeysa ayaa goobaha bulshaddu ay ku kulanto ee lagu shaaheeyo laguna sheekaysto waxa ay aad ugu hadal hayaan codaynta doorashada madaxtooyada Somaliland,iyaga oo sidoo kalena shacabkaasi wadaagaya warar aan xaqiiqadiisu sugnayn oo kuu saabsan natiijada codaynta doorashada ee gobolada kuwaas oo ilaa xalay ilaa saaka dhex wareegaya baraha ay bulshadu ku kulanto ee Facebook-ga.

Dhinaca kale guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa goordhaw la filayaa inay warbaahinta la hadlaan,waxaana ay ka hadli doonaan sida xoguhu tibaaxeen ilaa hadda inta sanaaduuq ee tirintoodu soo gaadhay xarunta guddiga komishanka Qaranka Somaliland iyo arrimihii kale ee soo kordhay intii ay socotay codayntu.

Gabagabadiina guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa maalmaha soo socda la filayaa inay ku dhawaaqaan cidda ku guulaystay hogaaminta talada dalka Somaliland oo ay u tartamayeen saddex murrashax ee ka kala socday xisbiyada WADDANI,UCID iyo KULMIYE.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY