Shaacinta Shirka KULMIYE ee Borama lagu qabanayo laba ujeeda laga leeyahay

0
1210
ShirkII Hore ee KULMIYE PHOTO FILE

Sababta shirweynaha Boorama loogu qabanayo iyo waxa waakhtigan loola beegay: waa laba arrimood mid xiisadda u dhexeysa booliska iyo shacabka ee hadhi wayday looga leexiyo oo jiho kale loo jiheeyo dadka iyo mid siyaasiyiinta hanka ka qaba hogaanka xisbiga lagaga takhalusayo.

Shaacinta shirweynaha Kulmiye ee lagu qabayo Boorama waxay daaran tahay in lagu damiyo eedaha taagan ee booliska iyo xukuumadda lagu haysto ee maalmahan aad ka loogu talaxtagayey, isla markaana warkan cusubi wuuxuu jihaynayaa dadkii oo lagu mashquulinaya su’aalaha ka dhalan doonna shirkan oo ay ka mid yihiin: maxa Boorama loola doontay, maxa ka soo bixi doono, ragii hanka lahaa ee sugayey hogaanka ma ka mid bay noqon doonaan hogaanka, hogaanku yuu noqonaya. Doodaasi iyo hadal hayntaasi ayaa la wadi doona ilaa inta ka hadhsan shirweynaha oo laga yara raysan doonaa maagista xukuumada iyo booliskaba.

Talabaad, sababta Hargeysa oo awalba lagu qaban jirey looga daayey waxay tahay si rag waaweyn loo tukhaantukhiyo oo KULMIYE wuu iska yaqaana marka uu raga gawracayo inuu la fogaado shirweynaha, oo Siilaanyaba waagii uu odayaashii waaweyna hawada u dirayey waa kii Burco la tagay, ee dariiqa qulquleen Cabdiraxmaan Aw cali, Ibraaham Dhego weyne, Cadami, siciid Cilmi Rooble, Abgaal iyo rag kale oo badan, khilaaf walba cid baa ka faa’iidee arrintaasi waxa fursad fiican ka helay waagaasi Muuse Biixi oo wakhtigaasi Siilaanyo ugu hanjabay inuu ragaasi raaci doonno hadii isna lagu wareejin xisbiga marka uu madaxweyne noqdo, Siilaanyo waa kii aqbalay ee sidii madaxweyne Biixi salaanka madaxtinimo ku soo fuulay.

Doorkan waataas lala fogaaday waxaynu sugnaaba waa rag waawayn oo fajidii Qaaxo loo dhigay oo iska hulayli doona, waana iska caado in mar kasta oo kulmiye shirweyne qabsado inuu rag waaweyni muraaro dilaac guryaha hoosta ka soo xidhaan oo shalayba ragbaa masaajidkoodii dib ugu soo noqday oo khudbadii jicmaha akhriyaayey.

Qaalinkii:  Barkhad-ladiif Mohamed Omar

LEAVE A REPLY