Shaacin: Abaal-marinta suxufiyiinta ee Cawke Media Award 2019

0
651

Hargeysa, (HageisaPress) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu sanadkii Afraad u qabanayaa suxufiyiinta Somaliland Tartanka Abaalmarinta Cawke oo sanad walba ururku qabto, kaasoo looga dan leeyahay in lagu soo saaro saxafiyiin Tayo leh.

Tartanka Abaal marinta waxa si rasmi ah loo iclaamin doonaa 15 bisha August illaa 15 bisha October oo ah muddo labba bilood ah waxay Suxufiyiintu fursad u heli doonaan inay ku soo sameeyaan kuna soo xareeyaan Barnaamijyadooda. Halka ay 16 illaa 30 bisha October guddidu ku dhamaystiri doonto Sixitaanka iyo soo saarida Natiijada Guulaystayaasha Tartanka. isla bisha November 9-10, 2019 waxa la qaban doonaa munaasibada Abaalmarinta oo ku beegan Xuska maalinta Saxaafadda Somliland.
Barnaamijyada lagu Tartami doono
1. Cadaaladda: sidee loo heli karaa Garsoor sugan iyo marin cadaaladeed oo bulshada tusa dariiqa saxda ah
2. Nabada: sidee loo xoojin karaa Nabad gelyada iyo Wadajirka Dalka JSL
3. Dhaqaalaha: Sidee loo kobcin karaa dhaqaalaha Dalka, loo yarayn sicirbararka, loona samayn karaa Shuruuc fududaynaysa
4. Maamul wanaag iyo la dagaalanka musuqa: Sidee loo heli karaa maamul wanaagsan oo isla xisaabtan leh
5. Cimiladda: sidee looga hor tagi karaa isbedelada cimilada iyo ilaalinta Deegaanka
6. Khayraadka Dalka: sidee loola soo bixi karaa khayraadka Dalka ku jira.
Waa in warbixinadda muuqaalka ah aanay ka badnaan 20 daqiiqo, dhegaysiguna isla 20 daqiiqo iyo Qoraalka oo aan ka badnayn 2 bog.Warbixinadda, muuqaalada iyo qoraaladaba waxa lagu diri doonaa Emailkan (cawkeaward@soljaorg.com)

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh xafiiska guud ee ururka ama garaac 572604.

AwkeMediaAward2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here