Saylac: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Mashaariic Dhagax Dhigay+Sawirro

0
778

Saylac (HP): Weftigii uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maalintii labaad ku sugan magaaladda Saylac  ayaa kormeeray mashaariicda maamul daadejinta JPLG ee ka socda magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kormeer indho indhayn ah ku soo sameeyay dhismeyaasha laga fuliyay mashruuca JPLG-ga.

Sidoo kale-na madaxweyne ku-xigeenku waxa uu dhagax dhigay dhismeyaal cusub oo isugu jira Waddooyin, dayactirka xarunta Kalluunka ee Saylac iyo goobo kale.

Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa ayaa kulan la qaatay maamulka iyo masuuliyiinta Dawladda hoose ee Degmada Saylac.

Halkaasi oo lagaga dhegaystay warbixin ku saabsan hanaanka ay u maamuleen mashaariicda maamul daadejinta ee JPLG, iyadoo masuuliyiinta dawladda hoose ee Saylac ay Madaxweyne ku xigeenka siiyeen Warbixin waafi ah.

Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland Cabdiraxmaan ayaa Maayirka iyo golaha Deegaanka ee Saylac uga mahadceliyey waxqabadka balaadhan ee ay ka fuliyeen Degmooyinka hoos yimaada Degmada Saylac, waxaana uu ku amaanay masuuliyada xilkasnimada leh ay u maamuleen maamul daadejinta.

C/raxmaan Saylici, oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi, “Waxaa maanta farxad aad u weyn ii ah Degmadii Saylac ee Gobolka Salel oo ahayd degmadii u danbaysay ee laga fuliyo mashruuca JPLG oo sida ka muuqata runtii aad iyo aad u fahantay tababarkii yo mashruucii qiimihii uu lahaa runtii aad u muuqato aad iyo aad baan ugu faraxsanaay”.

“Annigoo Degmada kolna magaceeda aan sito kolna iskuulka aan ka galay Taariikho kale oo fara badana ay ii leedahay ilaa maalintii kala guurku dhacay ee dhulka lagu kala yaacayey halkan baan joogay maalintaana, waxaan aad iyo aad runtii u hambalyeynayaa maamulka dawladda hoose”.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in mashuurca JPLG dhawaan laga soo saari doono warbixin rasmi ah isla-markaana la hor geyn doono Golaha Wasiirada.

Waxaanu yidhi, “Annaguna marka aanu hadda dhamayno kormeerka insha allaah bishaa Jeeniwari (January) waxaanu soo saari doonaa warbixinta rasmiga ah Siddeedii degmo ee JPLG-gu mid waliba halka uu marayey iyo waxa uu ku fiican yahay sida layskaga daydo oo kuwa hoose ugu daydaan kuwa sare.

Waxaana la gaadhsiin doonaa ilaa heer Golaha Wasiirada la geeyo isbedelada uu ka qabtay Dawladdaha hoose”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY