Saxaafadda Somaliland: Tab Iyo Xeelad Badan, Xirfid iyo Aqoon Yar !! W/Q Fouad Abdisalam

0
1201

Salaamu laahi caleykum In Muddo ah ba waxaan u guur galayey xaaladda guud iyo ta dahsoon ee saxaafadda maxaliga ah ee somaliland, taasna waxaa igu kalifey ka dib markii ay bateen kiisaska kala duwan ee taban ama togan ee  saxaafadda ama saxafigu la kulmo ama si kale hadaan u dhigno  shacab ama dowladda kala kulmaan saxaafadda ama saxafiga.

Waxaa dhagaheyga ka batey, wargeysbaa la xidhay,saxafi baa la xidhay, xoriyatul qowlkii baa la cabudhinaya iyo kalmado kale. taas oo ku kalifeysa muwadin kasta oo jecel horumarka dalkiisa dhinac walba in uu wax ka ogaado, khaladka jira iyo cida leh.

Anigoo og xaaladii uu dalkani soo marey iyo halkii nolosha kala duwan guud ahaan laga soo bilaabey waxaa marag ma doon ah in saxaafadda reer somaliland ka mid ahaa intii burburtey ee hadana dib u soo noolaatey maalinba maalinta ka danbeysa wax u kordhayeen horumarna ku talaabsaneysey, waxaan amaan mudan saxafadda guud ahaan sida hagar la’aanta ah ee had iyo jeer shacabka ugu adeegaan uga haqab tiraan helida wararka guud ahaan taas oo leh culayskeeda una samreen, waxaan la iloobin karin intey u dibjirayaan, u gaajoonayaa sidoo kale danahooda u seegayaan adeega bulshada ay masuuliyadda u hayaan, waxaan sidoo kale ku amaanayaa horumarka joogta ah ee ay ku talaabsanayaa maalin kasta iyo kartida horumarineed ee ku jirta,

Saxaafaddu waa Cilmi la barto oo aqoontiisa leh sida cilmiyadda kale heer laga gaadho, waxaa kooban guud ahaan jaamacaddaha kala duwan ee dalka ka jira kuwa lagu bixiyo aqoonta saxaafadda, waxaana badi saxafiyiinta dalka ka hawl gala wax ku barteen hab aan toos aheyn, waxaase jira saxafiyiin badan oo reer somaliland ah oo cilmiga saxafadda heer sarre ka gaadhey.

Inta badan jahawareer saxafiyiinta dalka heystana shakhsiyan waxaan u celiyaa in ay kow ka tahey kabashada cilmiga saxafadda ee kooban ( Kabashada cilmiga gaaban waa lagu kadeedmaa ).

Sidaad ogtihiin saxaafaddu wey noocyo badan tahey, Maanta dalka waxaa ka jira Hal Idaacadda oo maxali ah, dhawr muuq baahiye iyo tiro wargeysyo ah oo dhamaantood caasimadda hargeisa ka yaal xarumahoodu. sidoo kale bulshadu waxay wararka iyo dhacdoyinka ka daalacdaa mareegyo tiro beelay,Waxaa saxafiiyiinta kulmiya ururo ay leeyihiin oo danahooda ka horumariyaan, sidoo kale waxay saxafnimaddu leedahey sharci qabta oo xayndaab u ah ilaaliyana xaq iyo xuquuqda saxaafadda aduunkana heer caalami ka ah.

Hadaba, Saxaafaddu waa mihnad lagu xoogsan karo dadka iyo dalka loogu shaqeyn karo, Waxaa la tilmaama wadamo badan oo caalamka ah heer muuqda in saxaafaddu ka qaadatey horumarka ay gaadhnee, sidoo kale wadamo badan oo afrikaan u badan ay ka qeyb qaateen burbur iyo aafo ku dhacdey, tusaale ahaan Wadanka Rwanda oo sanadihii 1994 ka dhaceen xasuuqii adduunka ugu xumaan, markii la darsadey waxaa la ogaadey in doorka ugu weyn ay saxaafadu ku laheyd horinta colaadaas. sidoo kale waxay saxaafadda door weyn ku leedahey kobcinta aqoonta iyo tacliinta bulshadda.

Saxafadu waa hiilka ay heystaan bulshadu, gudbisa waxay tabanayaan, sidoo kale ku xidha bulsho-weynta caalamka, waxay tiir dhexaad u tahey cadaaladda, xoriyadda iyo horumarka bulshada.

sidaas oo ay tahey waxaa la kulmo arrimo badan oo sumcadda iyo sharafta saxaafadnimo meel ka dhac ku ah oo saxafiyiintu ku kacaan, tusaale ahaan uga faaideysi shaqsi ama mid reereed, ku weerarida cid si gaar ah wax uga dhaxeeyaan ama isku hayaan iyo gaadhsiinta bulshadda warar aaney cadeyn meesha laga soo xigtey iyo sida lagu ogaadey, taas oo maanta noqotey canbaar ku taal saxafadda somaliland. dhaliseyna muranadda soo noqnoqdey ee u dhaxeeya saxafiyiinta iyo xukuumadda oo kale, sidoo kale waxay saxaafaddu noqotey mid aan inta badan aan kala shaandheyn wararka bulshada gaadhaya, iyadoo aad arkeyso war ama maqaalo naxli huwan oo la baahinayo kuwaas oo bulshada ku keeni kara naxli, neceb iyo colaad bulshada ku dhex faafta.

saxafadda dhabta ahi waxay ka turjuntaa bulshadda ay ka dhex beerantay, waa laan qaali ah oo ku taal gunta iyo baarka sarre ee geedka bulshada ka kooban tahay, waxaan iyana xaqiiq ah in si khaldan shacabka, xisbiyadda mucaaridka iyo xukuumadduba u adeegsadan saxafadda markay danahooda ilaashanayaa, taas o saxafadda culays ku heysa xagal daacna ku ah mihnadooda.

Waxaan qormadeydan ku soo afmeeri lahaa, saxafadda waxaan ku waaninayaa, tiirarka qaranka ku taagan yahay kuwa ugu muhiimsan saxafadda ka mid ah, waxaa saaran waajib balaadhan guud ahaan, gacmahoodaney ku jirtaa higsiga umaddani, kororsadda oo horumariya aqoonta aad saxaafadda u leedihiin mar walba,waayo waa cilmi waliba kobac ku jira, barta oo raadsadda cilmiga saxafadda iyo ku dhaqankeeda, kana taxadira wax kasta oo ceeb ku ah saxafadda anshaxeedana ka soo horjeeda, Bulshadu idinkay idin dabran tahey wax kasta ood na soo gaadhsisan Bulshadu wey ku ficil qaadaneysa taasna xumaanteeda iyo wanaageeda idinka masuulayadeeda leh, Bulshadda bara saxafaddu waxay u taagan tahay ee saxda ah iyo xidhiidhka bulshadda iyo saxaffada ka dhaxeeya, u dhex noqda danta dalka iyo bulshadda, Xaqa tilmaama dulmiga dab bakhtiiya ku noqda, faafiya wanaaga xumahana reeba.

 

Waad Mahadsantihiin

Fouad Abdisalam Hassan

waheliye08@hotmail.com

063-4424979

 

LEAVE A REPLY