Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Booliska oo Ku Dhintay Shil Gaadhi

0
1645

Hargeisa (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee laba qof ayaa ku dhintay laba kalena, way ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo mid ahaa gadiidka raaxada halka kalena yahay Booyada kaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Isha Gobka ee koonfurta Magaalada Hargeysa.

Laba marxuum ee ku dhintay shilka ayaa ahaa walaalo, waxaanu mid ahaa Kabtan Bedel Xasan Qayl oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Somaliland, horre na uga mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM, gaar ahaan saraakiishii Guutaddii caanka ahayd ee Koodbuur.

Ciidanka Dab-demiska ayaa gaadhay goobta shilku ka dhacay, waxaanay ciidanku kala saareen gaadiidkaas oo si weyn iskugu dhacay, iyadoo ciidanku adeegsanayo gaadiidka wiishka.

In ka badan 200 Qof ayaa Somaliland ugu dhintay Shilalka Gadiidka Sannadkii hore halka ay 5000 oo qof ku dhaawacmeen.

Sida la ogyahay waxa maalinba ta xigta kor u sii  badanaya shilalka gaadiidka ee guud ahaan Somaliland oo geysta khasaare naf iyo maalba iskugu jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here