Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Somaliland oo U Geeriyooday Dhaawac Ay U Gaysteen Koox Hubaysan

0
1086

Hargeisa (Hargeisa Press)- Warar xogogaal ah oo aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Somaliland Cisbitaalka Hargeysa ugu geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaadhay dil aargoosi oo loo geystay.

Sarkaalkan oo lagu magaacabi jiray Maxamed Maxamuud Ilko-qor, ayaa todobaadyo un ka hor lagu toogtay magaalada Qori-lugud, sababo la xidhiidha aargoosi.

Dhowr nin oo ku hubeysnaa baastoolado ayaa Sarkaalka si gaar ugu beegsaday haybtiisa, kaasi oo ay uga aargudayeen Dable hore oo ka soo jeeday Beesha Habar Jeclo oo lagu diley xerada ciidamada Hargeysa, isla markaana uu dilay Askari ay isku hayb yihiin Sarkaalkan ku geeriyooday cisbitaalka Hargeysa.

Sarkaalkan ayaa heyb ahaan ka soo jeeda deegaanka Fardo lagu-xidh ee gobolka Awdal, iyadoona ay deegaankaasi ka soo wada-jeedaan Ninkii hore ee dilay Dablaha isaga looga aaray, kaasi oo weli gacanta ugu jira Ciidamada Somaliland.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili uu sarre u kacay dilalka lala beegsanayo Ciidamada Somaliland, iyadoona Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayna wax war ah oo rasmiya ka soo saarin dilkan.

Wixii warara ee ka soo kordha arintan waan idiin soo gudbin doonaa….

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY