Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani Wuxuu Qeyb Ka Yahey Dhismaha iyo Hoodada Ciidamada Milatariga Somaliland

0
1122

HARGEISA–Sida ay Ka Warqabaan ,Dhamaan Ciidamada Somaliland, ee Ku Sugan Guud ahaanba Fadhiisimada iyo Saldhigyada Kala Duwani Waxey Habeen iyo Maalin Ka Markhaati yihiin Kaalinta Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, iyo Sida hagar La,aanta ah ee uu Isku bar Taago Ciidamadiisa.

Had iyo Jeer Waxaa Dadka Qaarkii iyaggoo iska indha-tiraya Xaqiiqda iyo Waaqiciga Ciidamada Somaliland ay, Rumaystaan Kuwii Mashruucii Khiyaaliga ahaa ee Dhamaaday CBB-dii Madaxweyne Farmaajo Ku soo qaadeen Ciidamada Somaliland, Xiligii uu Ku Guda jirey Dhismaha Ciidamada yabyabka ah ee loogu Soo tababarey Turkiga iyo Elatariya, kuwaas oo badankoodu aan Aaminsanayn Dawladd Soomaaliyeed, iyo Waddanimo haseyeeshee, ilaa iyo Maanta Quluubtooda Ku haysta Qabyaalad iyo Awoodihii loo Doonayay Qabiilooyinkii hoos Loogu Sheegay.

Been badan, oo Aan Xaqiiq ku Dhisnyan Waxaa Ka Dambaysa Runeey Runteed, Raga Aaminay inamada Yaryar ee CBB-da ahaa Waxaa Jiidaha Bariga Somaliland Ku Sugan Khusuusan Goobaha hadda Dagaalku Ka Socdo in ka badan 31 Guuto oo Ciidamada Somaliland ah oo Guutada ugu yari haysato 100 Tikniko iyo Gaadiid Dagaal ah iyo Goobta Madaafiicda, Walina Dagaal Toos ah May Galin, Marka laga Reebo Difaac iyo Tudhaalihii ay u Samayn Jireen Ciidamada SSC.

Sikasta oo ay Tahey Taliye Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Wuxuu Ku Suntan Yahey Geesinimo, iyo Dhabar Adeyg, Sababtoo ah inta Dagaalku Ka Socdey Laascaanood Gogoshiisu Waxey Dhextaalaa Ciidamada Habeen Kamuu dhex Taggin, Khiyaali iyo Barabogaando, iyo Waxaan Meel Gaadhayna Ma itaashado Haseyeeshee, Waxey Xaqiiqdu Tahey in uu Aaminsan Yahey Ciidamada iyo Kaalintooda Kuwaas oo Haddii ay Soomaali oo dhami Soo Weerarto, aan Marnaba Noqonaynin Kuwa Guul iyo Faan Loo Sheegto.

LEAVE A REPLY