Sannad Guurada 5aad Ee Ka Soo Wareegtay Aas-aaskii Saryan Museum Iyo Bandhiga Buugg Koobsanaya Taariikhda Aas-aasaha Madxafka Oo Lagu Qabtay Xarunta Guud Ee Saryan. + SAWIRRO

0
664

Hargeysa,(HargeisaPress)-Munaasibad balaadhan oo lagu xusayey sannad guurada shannaad ee ka soo wareegtay aas-aaskii madxafka keydka taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hiddaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee bulshada Somaliland oo fikirkiisa iyo hirgelintiisaba uu lahaa mujaahid Siciid Shukri Xuseen ayaa maanta lagu qabtay xarunta guud ee Saryan.

Xafladdan oo ahayd mid kulmisay mudanta bulshada Somaliland ayaa lagu lafo-guray muhiimada uu dalka iyo dadka u leeyahay madxafkani oo koobsaday taariikho ma guuraan ah oo jiilba jiil ka dhaxli doono, mustaqbalkana qaranku uu yeelan doono goobo laga tixraaco wixii la soo maray iyo wixii hidde inoo ahaa.

Waxaana weedho dhaxalgal ah halkaa ka soo jeediyey siyaasiyiin, mujaahidiin, haldoor kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Amb. Aadan Muuse Jibriil, Siyaasi Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar), Amb. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Mujaahid Cabdilaahi Faarax Cabdi, Mujaahid Siciid Shukri Xuseen iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada ku duugan xaruntan muhiimka ah oo isku xidhi doonta jiilashii hadda jooga iyo jiilasha soo socda oo kala dhaxli doona taariikhdaha lagu keydin doono madxafka Saryam Museum.

Dhinaca kale waxa isla goobtaa lagu soo bandhigay buug xambaarsan taariikh nololeedka aas-aasaha madxafka Saryan Museum Dr Siciid Shukri oo ay ku lamaan tahay taariikhdii halkanka SNM iyo wixii la soo maray ee uu goob-jooga u ahaa iyo fikirka ku dhaliyey in uu qaranka ku soo kordhiyo xarun key oo noocan ah.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY