Salaadiinta Beelaha Samaroon oo Ugu Baaqey Xildhibaanada Ugu Jira Barlamaanka Somaliland Inay Iskaga Baxaan Golaha Baarlamaanka

0
1251

Boorama (Hargeisa Press.com)- Salaadiinta beelaha Gadabuursi ee Samaroon ee gobolka Awdal ayaa waxa ay Xildhibaanada ugu jira golaha Baarlamaanka Somaliland ugu baaqeen inay iskaga baxaan golahaasi.

Salaadiinta Awdal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boorama waxay cadeeyeen in ay ka qatan yihiin dawladnimadda Somaliland.

Dhinaca kale, Suldaanka guud ee beelaha Samaroon Suldaan  Saleebaan Cali Ismaaciil, ayaa meel adag iska taagay arrinta saami-qaybsiga kuraasta Xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland, Waxaanu sheegay Suldaanku haddii aan wax laga bedelin qaabkii hore ee goboladda dalka loogu qaybin jiray aanay bulshadda gobolka Awdal geli doonin wax doorasho ah.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Suldaanka Guud Ee Gadabuursi iyo Madax Dhaqameedka Kale:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY