Safiirkii Hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraatka oo si qoto dheer uga Hadlay laba Mashruuc oo Imaaratkku ka fuliyay Berbera iyo Burco

0
1071

Hargeysa—Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka carabta , Amb Xasan Yaasiin ayaa si qoto dheer uga hadlay laba mashruuc oo dawlada Imaaraatka carabtu ka fulisay magaalooyinka Berbera iyo Burco, kuwaas oo dhawaan loo qabtay xaflad xadhigaga lagaga jarayay Ambassador Xasan Yaasiin ayaa qoraal dheer waxa uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Twitter-ka

Amb. Xasan Yaasiin waxa uu sheegay in aanay ahayn wax la aqbali karo lacagta lagu sheegay in ay ku baxday laba cusbitaal oo laga dhisay Hargeysa iyo Berbera iyo laydh laga dhalinaayo cadceeda oo berbera laga sameeyay (Sollar System)

wixii ku saabsanaa wixii Imaaraadku ka fuliyay Somaliland iyo wixii aan qabsoomin tan iyo bilowgii xidhiidhka labada dal.

Ambassador Xasan Waxa uu xusay in waxa laga dhisay Berbera iyo Barco ay yihiin xarumo caafimaad oo aan ka badnayn afar qol midkiiba

Ambassador Xasan Yaasiin Wuxuu muujiyey sida uusan ugu qanacsanayn in wasiiradu si cad uga baryeen xafladii Imaaraadku ugu deeqayay Baytariyada Baalayaasha cadceeda ku shaqeeya, wuxuuna isweydiiyay maxaa ku dhacay balanqaadyadii hore ee Imaaraatka ee ahaa in afarta magaalo ee waawayn ee Somaliland laga hirgaliyo afar Cusbitaal

Safiirkii hore ee Imaaraatka Carabta. Ambassador Xasan waxa uu yidhi “ si loo horumariyo cilaaqaadka dhinacyada kala duwan ilaa heerar aad u horumarsan. Waxaan cod dheer ku sheegayaa, daboolida dhibaatooyinka iyo xidhiidhka dhabta ah ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadku waa muhiim”

Ambassador Xasan waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Marka laga hadlayo kuwa rajo xumada qaba, aqlabiyadda Somaliland waxay rabaan inay arkaan dibloomaasiyad xirfadeed iyo koox xirfadlayaal ah, kaliya ma aha in wax laga qabto isu dheelitir la’aanta iyo dhibaatooyinka ay keeneen kooxdii hore (haddii laga reebo) “

Ambassador Xasan Yaasiin waxa kale oo uu qoraalkiisa ku yidhi “ Waxaan jeclaan lahaa inaan soo dhoweeyo adeegsiga wejiyada cusub ee Imaaraatka ee wefdigii ugu dambeeyay, kuwaas oo ay soo dhoweeyeen inta badan dadka maxalliga ah iyagoo rajaynaya in isbeddelo wanaagsan lagu arki doono habka shaqada Imaaraadka ee Somaliland.”

Ambassador Xasan Yaasiin waxa uu sheegay in ay tahay waxa lala yaabo lacagta la sheegay in ay ku baxday labada mashruuc taas oo ah lacag dhan 7 Milyan oo Dollar, waxana saraan ayuu yidhi calaamad su`aal marka loo eego hadaladii laga jeediyay xaflada iyo sida ay ku qiyaaseen khubaro madax banaani

Wasiirka Maaliyadu Somaliland Sacad Cali Shire wuxu xafladii lagu furayay labada mashruuc faray qodob muhiim ah, isagoo yidhi Waxaan jeclaan lahayn inaan ka codsano wefdiga Imaaraatka inay dhamaystiraan mashruuca iyagoo siinaya Baytariyada keydka mashruuca, taasoo muujinaysa cabsida sii socota ee mashaariicda Imaaraatka ee aan dhamaystirnayn iyo tayada laga filaayo.

ka dib markii uu madaxa xisbiga mucaaradka ah ee cadaalada (Ucid) uu si toos ah ugu ceebeeyay labada wasiir su’aalo badan oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada iyo tamarta macdanta Somaliland

mashruucan waxaa lagu furay awooda 7 Megawat, saraakiishii goobta joogtayna waxay keeneen su’aalo dhowr ah waxayna cadeeyeen jahwareer ku yimid Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo aan si cad shacabka ugu qeexin, awooda laydhka ku shaqaynaya Cadceeda iyo lacagta ku baxday

Ugu horreyn / Mashruucyada baalayaasha cadceedda ku shaqeeya ee Berbera, Somaliland, ayaa qorshuhu ahaa inuu bilaabmo dhawr sano ka hor, dib-u-dhac badana uu ku yimi, oo wuxuu bilaabmay dhawr bilood ka hor oo kaliya waxanu ku dhammaaday wakhti fiican marka la barbar dhigo mashaariicdii kale ee Imaaraatku ka waday dalka

Ambassador Xasan Yaasiin waxa uu sheegay in dawlada Imaaraatku ay lacag ku badan ku bixisay sidii ay u buun buunin lahayd labada mashruuc ee laga fuliyay Berbera iyo Burco, iyada oo lagu qoray wakaalado warar oo caalami, kuwaasi oo aan lagu qorin wixii dhab ahaan uu ahaa iyo lacagta ku baxday labada mashruuc,

Safiirkii hore ee Somaliland ee dalka Imaaraatka Carabta, Ambassador Xasan Yaasiin waxa uu amaanay sida fiican ee uu uga hadlay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xildhibaanada Gobolka Saaxil, waana dhab ayuu yidhi hadalka Xildhibaan Qabile, waanan ku amaanaya ayuu yidhi sida uu shacabka ugu iftiimiiyay xogta rasmiga ah ee labada mashruuc iyo lacagta ku baxday.

LEAVE A REPLY