Safiirka Shiinaha U Fadhiya Soomaaliya oo La Filayo Inuu Booqasho Ku Yimaado Somaliland

0
1891

Hargeisa (Hargeisa Press)- Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Qin Jian ayaa la sheegay inuu socdaal ku imanayo Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi,haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in safiirku doonayo inuu socdaal ku yimaado Hargaysa si uu ula kulmo Madaxwayne Biixi.

Socdaalka safiirka ayaa la xidhiidha iskaashiga cusub ee u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan.

Lama garanayo in safiirka Shiinuhu u socdo oo kaliya inuu isku dayo inuu Somaliland ku qanciyo in ay ka laabato xidhiidhka cusub ee Taiwan iyo in uu u socdo qorshe kale.

Shiinaha ayaa kor iyo hoosba u sheegay inaanu ogolayn in Taiwan xidhiidh la samayso Dalalka Somaliland ka midka tahay, isaga oo markii uu soo baxay heshiiska Somaliland iyo Taiwan ku eedeeyay Somaliland inay duulaan ku tahay midnimada dhuleed ee Shiinaha, laakiin arrinkaasi waxa ku gacan-saydhay Taiwan iyo Somaliland labadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here