Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Doorashooyinka Somaliland

0
618

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya Mr. Ben Fender, oo booqasho gaaban ku yimid Hargaysa ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka qaranka ee Somaliland.

Kulankaasi oo ka qabsoomay  xarunta komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee magaalada Hargaysa, ayaa  labadda dhinac waxay kaga wada hadleen arrim khuseeya doorashooyinka soo socda ee Somalilan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo lagu baahiyay bogga ay Internet-ka ku leeyihiin komishanka doorashooyinka Somaliland.

“Mr. Ben Fender (safiirka UK ee Soomaaliya)  iyo komishanka ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan geeddi-socodka dimuquraadiyaynta ee Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka qorshaysan bisha December, 2019 ee golaha Wakiilada iyo goleyaasha degaanka  ee la qaban doono dhammaadka sannadkan”ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay komishanka.

 

Geesta kale ma jiro wax faahfaahina oo ku saabsan waxyaabihii ay labadda dhinac ka wada hadleen, marka laga reebo warkan kooban ee ay guddiga doorashooyinku ku baahiyeen boggoodda Internet-ka.

Hase yeeshee, dawladda Ingiriiska ayaa kaalinta hore kaga jirta dawlaaha reer Galbeedka ee Somaliland ka taageera dhaqaale ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY