Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta Somaliland oo kulan ka yeeshay arrimaha ammaanka, Doorashooyinka iyo Xidhiidhka labada dal

0
1101

Hargeysa, (HargeisaPress) — Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya/Somaliland Mr. Neil Wigan, ayaa sheegay in qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ku xidhan tahay go’aan siyaasadeed oo marka hore Soomaalidu heshiis kaga gaadhaan mustaqbalkooda, kadibna Gobolka Geeska Afrika u gudbi doona, waxaannu tilmaamay in dawladdiisu xidhiidh fiican la leedahay dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo iyo qaar ka mid ah wasiirradiisa oo Safiirka Ingiriiska iyo wefti uu hoggaaminayo ku qaabilay qasriga Madaxtooyada shalay, ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo xoojinta ammaanka guud ee dalka Somaliland.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ambassador Neil Wigan oo albaabadu u xidhnaayeen, waxa markii uu dhammaaday saxaafadda si wadajir ah ula hadlay safiirka Ingiriiska iyo Wasiirka Khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, isagoo safiirku tilmaamay in xidhiidhkooda Soomaaliya iyo Somaliland ay la leeyihiin yahay mid aan wax saamayn ah isku lahayn.

Silanyo-iyo-Neil4

“Uma aragno inay tahay arrimo iska horimanaya xidhiidhka aannu la leenahay dawladda Federalka Soomaaliya iyo Somaliland, arrinka ictiraafkuna waa heshiis siyaasadeed oo ka iman kara Soomaalida dhexdeeda, kadibna u gudbi doona gobolka, balse waxaannu labada dhinacba la leenahay xidhiidh iyo wada-shaqayn aad u wanaagsan. Waxaannu maanta ka wadahadalnayna waa sida aannu xidhiidhka dhow ee dhabta u wada leenahay xukuumadda Hargeysa,” ayuu ku jawaabay Safiirka Ingiriiska oo la waydiiyey sababta dawladdiisu uga warwareegayso aqoonsiga Somaliland.

Waxa kaloo Ambassador Neil ballanqaaday haddii doorashooyinku si fiican uga qabsoomaan Somaliland sannadka 2015-ka inay xoojin doonaan nidaamka dimoqraadiga ah, tusaalena u noqon doonto waddamo badan oo jaarka ah.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aan mar labaad Hargeysa ku soo noqdo, isla markaana aan la kulmo Madaxweyne Siilaanyo. Sida aan saaka (shalay) Madaxweynaha u sheegay xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriisku aad ayuu marba marka ka sii dambaysa isugu sii dhawaanayaa, gaar ahaan xagga ka wada-shaqaynta ammaanka, shirka ganacsi ee toddobaadka dambe (14 October) ka furmi doona London. Sidoo kale, mashruuca Horumarinta Deeqaha Somaliland (Somaliland Development Fund) oo aannu aad uga shaqaynno. Waxaannu sii wadi doonnaa in Somaliland aannu si dhaw ula shaqaynno, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2015-ka dalka ka dhici doona, taasoo xoojin doonta nidaamka dimoqraadiga ah ee Somaliland ka jira, tusaalena u noqonaya meelo kale oo badan dimuqraadiyadda Somaliland muujisay.”

Silanyo-iyo-Neil

Safiirka Ingiriiska ayaa sidoo kale xusay inuu masuuliyiinta xukuumadda Soomaaliya kala hadlay sii-wadista wadahdallada u dhexeeya Somaliland, una ballanqadeen in la bilaabi doono bishan, waxaannu yidhi; “Aad ayaannu u taageersanahay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, markii horena annagaa bilowga hadalka martigelinnay. Waannu taageersanahay in Turkigu halkaas ka sii amba-qaado wadahadalka. Arrintan (wadahadalka) dhawaan baan kala hadlay dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaanay ii sheegeen in wadahadalka ay bilaabi doonaan bishan, aadna waan ugu rajo weynahay, si dhaqso ah la isaga kaashan doono.”

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xusay in ay safiirka kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo shirka soo socda ee dawladda Ingiriisku u qaban doonto Somaliland, isagoo intaa raaciyey in ay u sheegeen in wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeya dawladda Muqdisho ka gaabisay, “Waxa halkan nagu soo booqday Safiirka Ingiriiska oo shir fiican nala yeeshay, kana hadlay arrimo badan oo khuseeya labada dal oo ka mid yihiin ammaanka iyo nabadgelyada meesha taal. Waxa aannu ka hadalnay shirka soo socda ee dawladda Ingiriisku qabanqaabinayso ee aannu ka codsannay in Somaliland loo sameeyo, dad fara badanna lagu soo casuumay. Waxaannu u raaci doonnaa Madaxweynaha iyo weftigiisu markab Berbera jooga oo sidii sannadkii hore uu booqan doono.

Waxyaabaha kale ee aannu ka wadahadalnay waxa ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha dalku halka ay marayaan,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here