Safarka Madaxweynaha iyo Siraha Ku Qarsoon

0
2649

Safar u muuqda xaqiiqo raadin iyo indho-indhayn siyaasadeed ayuu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ku marayaa gobolada dalka kaasi oo uu ka soo bilaabay cidhifka galbeed ee jamhuuriyada Somaliland waxaana uu ku dhamaanayaa inta ogaalkay ah cidhifka bari ee dalka.

Safarkani Indhaha dadka iyo magac bixintiisu waxa uu yahay ka qaybgalka qalinjabinta jaamacadaha dalka qaar ka mid ah, laakiin waxa ku qarsoon siro ka waaweyn oo noqon doona kuwa uu ku go’aan qaadan doono marka uu ku noqdo caasimadii dalka ee Hargeisa.

Arimaha la is leeyahay wax weyn buu safarkani ka badelayaa waxaa ka mid ah ;

1- Tabashada baahiyaha aasaasiga iyo adeega dawladeed oo si isku mid ah umadu ugu sheegatay Galbeed ilaa inta gobol ee uu hada gaadhay oo ay jiraan tabashada adeegyada dawlada oo badan.

2- Tabashada miisaaanka xukuumada iyo xilalka qaranka oo dalku aad uga hadlayaan gobol walba maadaama maamulka dawlada qabiil lagu fadhiisiyey in xilalka loo qaybsado.

3- Qaab dhismeedka xukuumada dalka doorashada gaadhsiinaysa mudo kordhinta ka dib oo sawirkeedii iyo sawraceegii ay suuragal tahay in uu safarkani u yahay ceelalyo.

4- Go’aan ka gaadhista wareejinta xisbiga kulmiye iyo in uu mar labaad isa taago iyo in kale ayaa iyadna hoosta laga xariiqayaa.

5- Kormeerida waxii uu balanqaaday in la qabtay iyo in kale oo ah dabagal maamul iyo waxqabad ayaam meesha ka maqnayn.

6- go’aan ka gaadhista iyo dardar galinta hawlaha doorashooyinka waxii isaga ku xidhan ee gudiga diwaangalinta iyo kuwa doorashooyinku u baahan yihiin.

7- U qoos goynta mucaaridka xeer,xirfad iyo xaagaanba isla markaana diyaarsanaya meelwalba oo ay ku xoogweyn yihiin wiiqisteeda iyo waxyeelayntooda.

8- Dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo derejosiinta kuwa Jiida hore oo laga yaabo in uu booqdo isaga oo ku labisan direyska ciidamada qaranka.

9- Dejinta qorshe siyaasadeedkiisa cusub marka uu xog iyo xaqiiqo urursado iyo xukuumad cusub oo ka duwan xukuumadii shanta sanadood ee hore .

10- Qabyotirka waxii qorsheyaal iyo balanqaadyo ka baaqday mudo xileedkiisii hore oo ay 60 maalmood ka hadheen.

W/Q: Mohamed Abdi Jama (Dhimbiil)

Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka qoray, kamana tarjumeyso tan Hargeisapress. Hargeisapress, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada.

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY