Rugta Ganacsiga Jabuuti oo Soo Caawisay Ganacsadda Suuqa Waaheen

0
526

Djibouti (Hargeisa Press)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti C/fataax Siciid Axmed, ayaa soo diray agab loogu tallo galay in lagu caawiyo dadkii gamacsiyadoodu ku gubteen suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Agabkaasi oo ka kooban Dalaayadaha Qoraxda laga hadhsado oo gaadhayay 1000 Dalaayadood, ayaa dhawaan ka soo degi doona dekadda Berbera.

Waxaana agabkaasi soo bixiyay rugta ganacsiga dalka jamhuuriyadda Jabuuti, oo ka jawaabay codsi ay hore ugu dirtay safaaradda Somaliland ee Jabuuti.

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti C/fataax Siciid Axmed, ayaa uga mahad celiyay guddoomiyaha rugta ganacsiga Jabuuti iyo xubnaha guddigaasi agabkan ay ku soo caawiyeen ganacsatadii ku hanti waayay suuqa Waaheen ee Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here