Roobab Mahiigaan Ah Oo Maanta Ka Da’ay Magaalada Laascaanood Iyo Deegaano Hoos Yimaada Xilli Abaar Baahsani Ka Jirtay

0
1509

Laascaanood, (HargeisaPress) —Roobab kusoo beegmay xilli xaalad aad u adag ay ka jirto inta badan gobolka Sool, ayaa deegaanada illaa laga soo sheegayo roobabka waxaa ka mid ah; deegaanka Xuddun oo ay fuustada biyaha ahi ka gaartay inka badan 140,000 oo shillin.

 

Roobabkan ayaa billowday Gellinkii dambe, roobkan ayaan sababin wax khasaare ah.

“Waxaan maraynay deegaanka Dhaban, markii dabaylo xoog leh oo aanu la socon waynay naga Hor-yimaadeen, kaddibna waxaa billowday Roobab xoog leh,” ayuu yidhi Maxamed Cismaan C/nuur oo marayey deegaano Xuddun iyo Awr-boogeys u dhexeeya oo ay Abaaro ba’ani ka jireen.

 

Deegaannada Awr-boogeys, Sarmaayo oo ka kala tirsan Xuddun iyo Taleex, ayaa iyagana sida ay Dadka deegaanku noo sheegeen Roobab jabiyay Abaartii ka taagnayd ay ka da’een.

laaska

Sidoo kale, Deegaannada dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Magaalada Laascaanood, waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah, haba kala duwanaadaan, iyagoo saameyn ku yeeshay dadka reer guuraaga ah ee ku sugnaa Gobolka Sool.

 

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Sool – oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Gurmad ay u fidinayeen kumanaan qoys oo xaaladooda nolol ay aad u liidatay, ayaa xidhiidh aan la samaynay, waxay noo sheegeen in weli aysan ka hadli karin Xaaladda Nololeed ee dhulka dhibaatadu ka jirtay, iyadoo weli ay jiraan deegaanno roobabka xilliga gu’ga aysan ka di’in, balse yididdiilo wanaagsan ayay muujiyeen.

 

Ugu dambeyntii, Marka laga soo tago Roobkaan, waxaa jira dhibaatooyin aad u baahsan oo haysta Kumannaan Qoys oo dayrtii hore hayaan ku yimid gobolka Sool, kuwaasoo xaalado nololeed oo aad u darani haysatay, halka qaarkood ay ku dhaw yihiin in xoolihii ay wateen ay ka dhamaadaan, kuwo kalena ay u baahi qabaan cunno iyo gabaad ay roobka ka galaan.

 

Mohamed Cabdi

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY