Roob Ka Da’ay Magaaladda Jig-jiga Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

0
669

Jig-jiga (Hargeisa Press.com): Hal qof ayaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay ilaa sideed kale-na way ku dhaawacmeen roob mahiigaan ahaa oo shalay ilaa xalay ka da’ayay magaaladda Jig-jiga ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Roobkaasi oo watay Dhagaxaan baraf ah ayaa la sheegay in uu gaystay khasaare hantiyeed oo aad u balaadhan, isla markaana uu dumiyay guryo iyo meherado ganacsi oo  aad u badan.

Sida uu sheegay maayarka magaaladda Jig-jiga ee maamulka dawlad degaanka Soomaalida C/fataax Ibraahim, oo maanta warbaahinta faahfaahin ka siiyay khasaaraha nafeed iyo hantiyeed ee uu sababay roobku.

C/fataax Ibraahim, waxa uu sheegay in guud ahaanba roobakaasi uu wada saameeyay bulshadda ku nool magaaladda Jig-jiga gaar ahaana qoysaska degan agagaarka Toga dhex mara magaaladda.

Waxaanu yidhi “Waxaanu soo aragnay bulsho dhan oo Toga hareerihiisa degan oo biyuhu ay guryahoodii dhex jiifaan. Dad waayeel ah oo ay biyuhu guryahoodii ugu galeen, dad caruur ah oo ay biyuhu u galeen.

Kolay waxay ahayd musiibo si guud u saamaysay bulshadda Jig-jiga, gaar ahaana dadka Toga hareerihiisa degan”.

Geesta kale maayarka magaaladda Jig-jiga waxa uu ka warbixiyay khasaaraha nafeed ee uu gaystay roobkaasi iyo tiradda dadka ku dhintay.

“Waxaa na loo soo sheegay in hal qof oo dhimasho ah uu jiro. Inkastoo ilaa xalay ay na soo gaadhayaan in hal qof oo kale uu jiro, balse weli aanaan xaqiijintiisa haynin.

Xagga dhaawaca waxaa jiraa ilaa sideed qof, oo dhakhtarka aanu ku soo aragnay. Intoodda badan dadkaasi oo aanu isa soo dul taagnay, dhaawacoodu wuxuu u badan yahay mid fudud”ayuu yidhi C/fataax Ibraahim.

Dhinaca kale xukuumadda dawlad degaanka Soomaalida ayaa ku hawlan sidii gurmad loogu fidin lahaa bulshadda ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobkaasi, sida uu sheegay wasiirka xafiiska maaraynta khataraha dabiiciga ah ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya C/laahi Cabdi Aadan.

C/laahi Cabdi Aadan, waxa uu sheegay in isla xalayba la magacaabay saddex guddi oo arrintaasi ka hawl gala. Waxaanu yidhi “Roobkaasi wuxuu ku keenay xaafadaha qaarkood in dadku ay guryahoodii ka karacaan,

Xukuumad ahaan shalay markii hawshani dhacdayba, jawaab deg deg ah ayaanu ka bixinay. Waxaanu bixinay ilaa saddex guddi oo isugu jirta guddi Injiineero ah oo qaabkii meelaha miyo mareenadda ah iyo meelaha biyo fadhiisiga ah, biyaha looga weecin lahaa, si aanay dhibaato dadka u gaadhsiinin roobabka kale ee imanaya.

Guddi kale oo wacyigelin iyo xagga abaabulka ah, oo ay hogaaminayaan maamulka magaaladda Jig-jiga iyo hay’adaha nabad geliyadda”.

“Guddiga saddexaad oo ah in jawaab laga bixiyo dhibaatooyinkii dhacay, isla markaana daraasad loogu sameeyo dadkii wax gaadheen, si jawaab deg deg ah looga bixiyo. Guddiyadaasi xalayba way hawl galeen” ayuu yidhi C/laahi Cabdi Aadan.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY