Reer Hargeisa maxay uga doodi waayeen Warshadii laydhka ee laga iibiyay ganacsatada

0
1061
Waxaan  Maanta halkan idinku soo gudbinaya inaad ila wadaagtaan dareenkayga ku aadan dowladan kulmiye ee shalay ku eedaynaysay xukuumadii Udub hantidii wadanka aya la xaraashaya ee maxaanu ku gaadhi. Hadalkan oo u ekaa in lexo jeclo ka hayso wadanka reer Kulmiye ahaydna sababtii loo doortay kulmiye. aya waxa layaab igu noqotay in kulmiye kaba sii daro xukuumada Daahir Rayaale oo ay ka dhigeen laga barayba laga badi.
Waxa dhawaan marqudha xaraash lagu bilaabay labadii warshadood ee korontada ee dowladii Siyaad Barre inooga tagtay ee magaalada Barbara iyo Hargeisa hadaba reer Barbara arintan waa ka biyo diideen waxayna ku sheegeen siday uga gadoodeen arintan mudaharaad salmiya oo maanta ka dhacay Barbara hadaba reer Hargeisa maxa iyaga helay ma fadhi ku dirir ayay arintoodii soo dhaafi wayday iyo goobaha dadku isugu yimaadaan sida marfashyada Maqaaxiyahaa iyo meelaha kale ee bulshadu isugu timaado. Iibka warshada laydhku maaha wax dhib yar sababtii markii hore dowladii Mulatariga ahayd ee Siyaad Barre uga dhigtay dawli iyo inay xukuumadu maamusho waxay ka xishoodeen in wax shacabka oo dhan ka dhaxeeya dadgaara looga faa,ideeyo
Maanta magaaladii Hargeisa wax walba waa la iibiyey waxaad mooda wadanka inay jabhad fadhataysanaysa qabsatay waayo  wax walba oo magaaloyinka waawayna lahayeen wa la iibsaday markasa misaaniyada lagu badiya wa wax lala yaabo.
Shaqaalihi warshada korontada Hargeisa oo qaarkood sodon sano inka badan ka shaqaynayeen aya hada la duudsiyay oo cirka loo diray shirkadaha laydhka ee wadanka ka jira wa dhiig miirato aan arxanka aqoonin haduu shidaalku jabo aan waxba jabinayn oo dadka dhiigooda cuna wa shhirkadaha laydha ee dunida ugu sixirka qaalishan halka UNIt wa 1.20 dollars wa wax lala  yaabo hadaba dowladii dadka ka nixi lahayd ee dhaqaalayn lahayd ee shacabka ganacsatada ka ridi lahay sida Ethiopia oo inala jaara wa dalka ugu gaadiid raaca jaban dunida sababtuna waxay tahay shidaalka ay helaan inagama jabnee dowlada aya kabta dowladii caqli lihi sidaasay dadkeeda u xanaanaysa lakiin maanta markii guryihii iyo dhulkii danta guud ee Hargeisa la madhiyay aya la gadaya warshadii laydhka si lacag looga helo waliba xisbiyada dadka u doodi laha aya ka qayb galay xafladii lagu la wareegayay warshada.
Waxaan ugu baaqaya shacabka reer Hargeisa inay ka dhiidhiyaan oo fadhiga ka kacan oo wax ka qabtaan musuqan lagu cunaayo warshadii laydhka Hargeisa si wada jira waa in looga hortaga oo meel looga wada soo jeesta boobka hantida dalka waxaan ku soo afmeeraya hadalkayga heestii Maxamed Mooge ee halgankii ( Tolaay reer Hargeysaw dhankaad iga xigtaanbay dhaxantu iga haysa)

gardaadshe gu led

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY