Real Madrid oo Hanatay Koobka Spanish Super Cup

0
2060

Jedah (Hargeisa Press)- Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup ka dib markii ay rigoodhe 4-1 ku garaaceen kooxda Atletico Madrid ciyaartii finalka ee ka dhacday magaalada Jedah ee dalka Sacuudi Arabiya.

90kii daqiiqo ee ciyaarta iyo 30 daqiiqo oo dheeri ah oo lagu daray ayaa ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo labada kooxood ay ismari waayeen xilli Valverde casaan laga siiyay Los Blancos dhamaadkii 30ka daqiiqo ee dheeriga ahaa, laakiin rigoodhe la isla tagay ayaa waxaa 4-1 ku badisay Los Blancos iyadoo rigoodhihii ugu danbeeyay ee koobka xaqiijisay uu saxeexay kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos.

Tababare Zidane ayaa sagaal final uu ciyaaray waxa uu wada qaaday dhamaan sagaalkii koob ee uu u tartamay.

2020 Supercopa

2018 Champions League

2017 FIFA CWC

2017 Supercopa

2017 European Super Cup

2017 Champions League

2016 FIFA CWC

2016 European Super Cup

2016 Champions League

Kooxaha magaalada Madrid ku xifiltama ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa kulanka finalka Spanish Super Cup waxay iskaga hor yimaadeen garoonka King Abdullah Sports City ee ku yaal magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia.

Zinedine Zidane ayaa doonayay in uu sii wato rekoodhkii fiicnaa ee kulamada finalada ahaa ee uu Madrid soo hogaamiyay halka Diego Simeone uu doonayay in uu koobkiisii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan uu Atletico u horseedo.

Laakiin qaybtii hore ee kulankan ayaa ahaa mid si wayn u adkaa oo ay labada kooxood awoodi kari waayeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan iyada oo Atletico Madrid si xoogan ku bilaabtay.

Inkasta oo Atletico Madrid ay culays badan saartay Real Madrid bilawgii ciyaarta haddana waxay awoodi kari waayeen in ay wax goolal ah ku dhaliyaan taas oo keentay in Real Madrid ay ciyaarta dib si xoogan ugu soo laabtay.

May jirin fursado badan oo goolal lagu dhalin karayay qaybtii hore ee ciyaarta waxayna 45 kii daqiiqo ee hore ku dhaceen dagaal ay labada kooxood wax goolal ah ku waayeen balse ay shabaq nadiif ah wada haysteen.

Daqiiqadii 51 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Real Madrid ayaa heshay fursadii ugu cajiibsanayd ee ciyaarta kadib markii uu Luka Jovic u muuqday in uu dhaliyay goolka furitaanka ee ciyaarta laakiin kubbad uu farsamo fiican ku dhaafay laba difaac oo Atletico ah laakiin kubbada ayaa hal sentimitir u martay birta!!.

Diego Simeone ayaa akhristay ciyaarta wuxuuna markiiba arkay kooxdiisa oo xaaladu ku sii adkaanayso wuxuuna ciyaarta soo galiyay Vitolo isaga oo saaray H. Herrera laakiin Zidane ayaa kaga jawaabay in uu Isco saaray wuxuuna keenay da’yarka Rodrygo.

Daqiiqadii 67 aad Madrid ayaa markale isku aragtay in ay goolkooda furitaanka helayaan kadib markii uu Rodrygo la soo shaqeeyay Jovic isla markaana uu Valverde goolka Atletico hortiisa ku helay fursad gool dhalin cadaan ah, laakiin Valverde ayaa rumaysan kari waayay in uu khasaariyay fursad gool dhalin layaableh oo soo martay.

Daqiiqadii 68 aad Atletico Madrid ayaa markeeda heshay fursad halis ah laakiin Lodi oo kubbad fiican loo hor dhigay xerada ganaaxa ayaa si deg deg ah darbo u dul mariyay birta goolka Courtois.

Daqiiqadii 80 aad Alvaro Morata ayaa ugu dhawaaday in uu qalbi jabiyo kooxdiisii hore ee Real Madrid kadib markii uu kubbad kula soo baxay goolhaye Courtois laakiin kubbada uu Morata goolkan ku dhalin lahaa waxaa si cajiib ah u badbaadiyay Courtois oo kubbada banaanka u saaray.

Daqiiqadii 83 aad Zidane ayaa badalkiisa labaad ka dhigtay Mariano Díaz wuxuuna saaray Luka Jović waxaana la galay wakhtigii ugu xamaasada badnaa ee ciyaarta.

Los Blancos ayaa raadineysay goolka guusha iyadoo daqiiqadii 88aad uu goolhaye Oblak fursad dahabi aheyd feedh ku saaray. Halka Rodrygo fursad qaali aheyd uu helay daqiiqadii 91aad ee seddex daqiiqo oo lagu daray uu ku laaday goolhaye Oblak.

Wakhtigii rasmiga ahaa ee finalka Spanish Super Cup ayaa ku soo dhamaaday barbaro gool la’aan ah waxayna taasi keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu daray.

Qeybtii labaad ee 30ka daqiiqo Real Madrid waxaa casaan toos ah ka qaatay Valverde ka dib markii uu qalad cad ku galay Alvaro Morata oo goolka u furnaa. Courtois ayaa laba fursadood oo waa weyn ka badbaadiyay Atletico ka dib casaanka.

30kii daqiiqo ee dheeriga waxa uu isna ku dhamaaday barbaro goolal la’aan ah taasoo keentay in rigoodhe la isla tago.

Real Madrid waxaa u dhaliyay: Caravajal, Rodrygo, Modric iyo Ramos oo tii ugu danbeysay ee guusha saxeexay.

 

Atletico waxaa u dhaliyay: Trippier, halka ay ka khasaariyeen Saul oo birta garaacay iyo Thomas oo laga badbaadiyay.

Waxaa rigoodhe 4-1 ku badisay Real Madrid oo hanatay koobka Spanish Super Cup.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY