“Rooble wuxuu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo”…

0
319

Muqdisho (HP): Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka Wadda Jir ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble, inuu masuul ka yahay qaabka gaabiska ee ay doorashadu u socoto.
Waxa kaloo uu raysal wasaarraha ku dhaliilay in arrinta kiiska Ikraan Tahliil, oo uu hore u balan qaaday inuu caddaalad u raadinayo, balse ay ka soo baxday natiijo aan lagu qancin.
Sidoo kale C/raxmaan C/shakuur, waxa uu sheegay in raysal wasaare Rooble, uu guddi u saaray dhallinyaradii loo qaaday dalka Eritrea, oo waalidkoodii ilaa hadda aanay war iyo wacaal ka helin.
“Raysal wasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil, caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin.
Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea, ku maqnaana warkooda iska daa” ayuu ku yidhi qoraal dheer oo uu maanta ku baahiyay bartiisa facebook.
Siyaasi C/shakuur, waxa kaloo uu qoraalkiisa ku sheegay in isbedel weyn uu ku yimid nidaamka siyaasadeed ee raysal wasaare Rooble, kadib markii uu dhawaan safar ku tegay dalka Qadar.

Waxaan kaloo uu sheegay guddoomiyaha Wadda Jir, in raysal wasaare Rooble uu og yahay, isla markaana uu qayb ka yahay qorshaha ciidamadda AMISOM dalka Soomaaliya looga saarayo.
“Waxaan oo idil waxay dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysal wasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo.
In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa”.
Geesta kale C/raxmaan C/shakuur, waxa uu ka digay wax uu ku tilmaamay folkaano siyaasadeed oo dhawaan ka qarxaya Soomaaliya.
“Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, caddaalad darrida, ku tumashada xuquuqda muwaadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida ummadda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger).
Waxaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo inna wada galaafan doona, sidii Afgaanistaan ama Itoobiya ka dhacday” ayuu qoraalkiisa ku yidhi C/raxmaan C/shakuur.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Offie.

LEAVE A REPLY