Raysal-Wasaaraha Itoobiya Oo Wali Ku Taagan Qorshihii Uu Kusoo Bandhigay in Madaxda Soomaaliya Socdaal ay Ku Wehelinayaan Uu Ku Yimaado Hargeysa?

0
772

HARGEISA – Raysal-Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Aby ayaa, la Sheegay in uu Wali Waddo qorshihii uu Hore ugu Soo bandhigay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee ku Sahabsanaa in uu Hargeysa ku Yimaado Socdaal ay ku Wehelinayaan Madaxda Dawllada Federaalka Soomaaliya,isagoo Wakhtian Wax ka Badelay Codsigiisii hore ee ahaa in ay Isaga iyo Madaxweyne Farmaajo Hargeysa imanayaan.

Qorshahan Aby Ahmed Raysal-Wasaaraha Dalka Itoobiya uu ku doonayo in ay Socdaal Ku Yimaadaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ay Wehelinayaan Madaxda Dawllada Federaalka Soomaaliya, ayaa Dib usoo cusboonaadey Kadib markii uu Dhawaan Socdaal Degdeg ah ku tagey Magaalada Adissababa ee Xarunta Dalka Itoobiya, Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay inta baddan kawada hadleen, Arimo la Xidhiidha halka ay Dawllada Soomaaliya, ka istaagtey Qadiyada Biyaha Niilka, Waxaanay ilo Xogogaal ah oo ay Heshay Shabakada Wararka Hargeisapress daaha ka feydeen in ay Geesta kale kawada hadleen, arimo ku Sahabsan Somaliland iyo Soomaaliya, arimaha u dhexeeya, taas oo Aby Ahmed(Raysal-Wasaaraha Itoobiya), in ay Wax ka Badeli Doonaan Qorshihii hore ee ahaa in Isaga(Aby) iyo Madaxweyne Farmaajo u socdaali Doonaan Hargeysa balse, uu Doonayo in ay isaga iyo Raysal-Wasaare Khayre ku badeli Doonaan Safarkaasi Madaxda Somalilandna , uu isagu ka dhaadhicin Doono.

Wararka kale ee Qorshahan Raysal-Wasaaraha Itoobiya Watto ku Sahabsan ayaa Sheegaya in Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ay Qeyb ka Noqon Doonaan Aftida Shacabka Somaliland iyo Nidaam kale, oo awood Qeybsi ah inkastoo aan Si dhab ah loo ogayn in Qorshahan ay si Degdeg ah u Doonayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal-Wasaare Kheyre haddana Waxaa loo badinayaa in ay iyagu ku khasbayaan Raysal-Wasaare Aby Ahmed haseyeeshee, ilaa iyo hadda lama oga in uu Mar labaad ka Codsadey Madaxda Somaliland in ay ka Aqbaleen iyo Inkale laakiin, Waxa ay Wararka arintan la Xidhiidhaa Sheegayaan in Aby Ahmed Raysal-wasaaraha Itoobiya la Balamey Madaxda Soomaaliya inta la Xalinayo Cudurka Crona-Virus.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here