Raila Odinga oo Diiday Natiijada Doorashada Kenya

0
556

Nairobi (Hargeisa Press) – Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, ayaa diiday oo waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada doorashadii madaxweyne ee dhacday 9-kii August ee shalay la shaaciyay in lagaga adkaaday.

Odinga oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in dimoqraadiyadda Kenya ay wajaheyso qalalaase shirci oo fog.

Hadallada Odinga, ayaa yimid daqiiqado kadib markii afar xubnood oo ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashada Kenya ay sheegeen inay ku adkeysanayaan go’aankii ay shalay ku diideen natiijada doorashada, iyaga oo sheegay in hanaanka tirinta codadka uu ahaa mid mugdi uu ku jiro.

“Aragtideena waxay tahay in natiijada doorashada ee uu ku dhowaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ay tahay waxba kama jiraan ayna qasab tahay in lagu baabi’iyo sharci maxkamad,” ayuu yidhi Odinga oo markii shanaad u tartamay madaxweyne.

Isaga oo u hadlaya kooxda guddiga doorashada ee diidan natiijada, ayaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga Juliana Cherera waxay maanta sheegtay in natiijada guusha siisay William Ruto si khaldan loo xisaabiyay.

Guddoomiyaha guddiga, Chebukati, ayaa shalay sheegay in Ruto uu helay 50.49% codadka, halka Odinga uu ka helay 48.5%, sidaasna Ruto ku guuleystay.

REUTERS

LEAVE A REPLY