Ra’iisul Wasaaraha Djibouti oo Maanta ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay Magaalada Djibouti

0
2387

Djibouti, (HargeisaPress) — War-saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Djibouti, C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa looga hadlay rabshidihii ka dhashay shalay xaafadda Balbala ee magaalada Djibouti.

 

Qoraalka ayaa lagu xusay in rabshadihii shalay dhacay ay ahaayeen kuwo lagu doonayo in carqalad lagu geliyo ammaanka dalka Jabuuti, iyadoo lagu sheegay war-saxaafadeedka inay soo abaabuleen rabshadahaas kooxo xagjiriin ah oo ka tirsan mucaaradka dalka Djibouti.

 

Sidoo kale, bayaanka kasoo baxay xafiiska RW Jabuuti ayaa lagu sheegay inay rabshadihii shalay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo aan lagu xusin tirada dadka labada dhinac kaga dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.

 

Bayaanka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in dadkii dibadbaxyadan soo abaabulay aysan tixgelin war-saxaafadeed uu horay u soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Djibouti oo ahaa in muddo laba bilood ah aan la qaban karin muddo laba bilood ah si looga hortago inay dhibaatooyin amni-xumo dhacaan.

 

War-saxaafadeedkii hore ayaa la sheegay in Djibouti lagu soo rogay Jabuuti xaalad deg-deg ah inaan muddo laba bilood ah la qaban karin wax isku soo baxyo ah; go’aankaasoo salka ku hayay weerarradii kooxo hubeysan ay ku qaadeen bishii hore caasimadda Faransiiska ee Paris iyo caasimadda Mali ee Bumako.

 

“Kooxihii soo abaabulay Rabshadihii khasaaraha dhaliyay ee shalay ka dhacay Magaalada Djibouti waxay ahaayeen kuwo doonayay inay qalqal-geliyaan amniga dalka Djibouti,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska RW dalka Djibouti.

 

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf oo AFP la hadlay ayaa sheegay in toddoba qof ay ku geeriyoodeen shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Jabuuti, isla markaana ay ku dhaawacmeen 73-qof, kuwaasoo uu xusay inay kala ahaayeen 50-askari oo ciidamada Djibouti ka tirsan iyo 23-qof oo shacab ah.

 

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaa in dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen shalay uu ka mid ahaa; Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta & Owqaafta Djibouti, Xaamud Cabdi Suldaan iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Djibouti.

 

Mucaaradka Djibouti ayaa dhankooda shalay ku eedeeyay dhibaatadii ka dhacday Djibouti ciidamada dowladda oo ay sheegeen inay weerareen shacab dhiganayay xus lana laayay, iyagoo axsaabta mucaaradka iyo dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen inay rabshadahaas ku geeriyoodeen 19-ruux oo shacab u badnaa.

 

Ugu dabmeyn, Xaaladda magaalada Djibouti ayaa maanta degen iyadoo isku socodka dadka iyo gaadiidka ay caadi kusoo laabteen, sidoo kalena ay furan yihiin goobaha ganacsiga, isla markaana Ciidamada Booliiska Djibouti ay nadiifiyeen goobihii ay Rabshaduhu ka dhaceen shalay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY