Ra’iisul Wasaaraha Dalka Djibouti oo la Kulmay Dhiggiisa Waddanka Shiinaha + SAWIRRO

0
1458

Labada masulBeijing,(HargeisaPress) — Raysul-wasaaraha dalka Djibouti Cabdul-qadir Kaamil Maxamed ayaa magalada Nanjing ee Shiinaha kula kulmay raysul-wasaraha wadankaas Li Keqiang ,kaasi oo ay ka wada hadleen arimo muhiim ah oo ku aadan xoojinta calaaqaadka labada dhinac.

Intii uu socday kulanka labada masuul Li Keqiang ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay dowladda Jabuuti ku doonayso in lagu hormariyo dakado cusub oo hadda howshooda ay socoto ,kuwaasi oo wax looga qaban doono dhaqaalaha Djibouti.

“Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada dal waxa u soo bilowday 35-sano ka hor, waxana ay ahaayen kuwa si joogto isu taageera mar walba “ayuu yidhi Li oo tilmaamay in kor loo sii qaadi doono wada shaqaynta hadda ka dhex jirta labada wadan.

Ray’sul-wasaare Kaamil ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaa guulaha dalka Shiinaha, isla markaana ay diyaar –u yihiin in ay khibrad dhinac walba ah ka kororsadaan China,isaga oo muhiimad gaar ah ku tilmaamay in horay loo sii wado xidhiidhka labada dowladood.

“Djibouti waxa ay diyaar-u tahay in ay noqoto albaabka ay sii maraan badeecadaha Shiinaha ee qaaraddan Afrika “ayuu yidhi raysul-wasaare Kamil oo tilmaamay in Djibouti ay ka jiraan fursado maalgashi oo wax tar leh.

Ugu danbayntii dowladda Shiinaha ayaa doonaysa in ay ballaariso dhaq-dhaaqeeda maal-gashi ee qaaradda Afrika ,waxaana Li Keqiang uu sheegay in Shiinaha iyo Afrika ay wadaagaan dano guud oo xagga xidhiidhka caalamiga ah .

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here