Ra”iisal Wasaaraha Djibouti oo qaabilay wafti uu hor kacayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland + SAWIRRO

0
1138

Djibouti ,(HargeisaPress) —Wafti uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo uu ku weheliyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka jamuuriyada Jabuuti, ayaa maanta la kulmay Ra”iisal wasaaraha Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay ku weheliyaan wasiirada khayraadka Biyaha iyo waliba ciyaaraha ee dawladaasi.

Kulankani oo nuxur kiisu daaranaa sidii labada dal waa Jamuuriyada Somaliland Iyo Jamuuriyada Jabuuti ay iskala wada shaqayn lahayeen dhanka Iskaashiga geeska, amniga iyo waliba xoojinta xidhiidhka labada dal ayaa ahaa mid ay masuuliyiintu kulan saacado qaatay ay ku wada shireen xafiiska Ra”iisal wasaaraha Jamuuriyadda Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo waftiga hogaaminayey ayaa sheegay in ay labada dal ay yihiin laba dal oo walaalo ah taasina ay keentay in ay kulamadan ay la yeelanayaan madaxda sar sare ee Jamuuriyada Jabuuti ay bud-dhig u tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

LEAVE A REPLY