QURBA JOOGA SIYAASAD QUUTAHA AH EE HARGAYSA HOGANAYA DAWLADU HA KA DAYSO LU’GOOYADA IYO LACAGAHA AY UGU KIRAYNAYSO GAWAADHIDA IYO HOTELADA

0
1263

Maanta waxa aan qalinka u qaatay bal inaan in yar is dul taago  qurbe jooga hoganaya magaalada Hagaysa oo qaar kood ay yihiin kuwo siyaasad quute ah  oo xil doona iyo kuwo xirsi amaana iyo kuwo iyagu Soo doontay mirqaankii qaadaka halka badanankoodu ay ku foogan yihiin inay dalka waxa soo galiyaan ayaa hadan  qaar kalena ay qurbihii iyo xaasas koodii la joogaan wadamadii shisheeye  oo ay danahooda ku foogan yihiin hadaba iyaga kuwa qaadka soo doontay halkoodaa ha joogeene bal aan inyar isu dul taago kuwa siyaasad quutaha ee dawlada ka sugaya inay  xil u dhiibto oo ay dumarkooda iyo caruurtoodaba halkaa ka quudiyaan si ay qalinka uga xadaan hantidan umada ma saakiinta ah ee dalkan dagan iyaga oo kirada guriga ku yaal yurubta ay doonayaan inay halkan ka bixiyaan waxay doonayaan inay   afmiishaarnimo    ay salaanka ka soo fuulaan waa dhinaca xisbiyadee oo ay kula shuraakoobaan caydha yara ee ay  qaataan  waxayna ku odhanayaan hadaad ogtahay xisbi heblaayo lacagtaan galiyay waad yaabe waxaanan doonayaa inuu dalka horumar gaadhsiiyo hadaba qurbe jooga hadaad lacagtaada u hurtay inaad dadka isbadal doon u doorato dalka haday taasi dhab ka tahay maxay hadana ugu soo daba yaacayaan ee hotelada hargaysa lagaga bixinayaa  lacagaha ay ku seexanayaan iyo waiiba gawaadhi loo kireeyo inta uu joogo ee loo banaynayo boos loo magacaabo

Waxa maanta dalka haysta waa qurbe jooga kiis koodu yaalo wadamada yurub  afkiisuna yaalo hargaysa oo aan buuxsamayn waana dhaxal xumada laga dhaxlay xukuumada AXMED MAXAMED SILAAYO oo aan iyadu habe yaraatee aan ogayn musuqa ay ku kacaan oo ka badan ka uu ku kaco kiii wadanka joogay bal u fiirso dalkan markii dhulka laga soo bilaabay waxa dhisay dowlada nimadiisa dad kii dalka joogay oo ahaa mu waadaniin dhaba oo maanta banaanka jooga waxana laga doorbiday wiil isaga iyo caruurtiisiiba kku raaxaysanayaan qurbe hadaba waxa aan idin siinayaa bal laba tusaale oo inagagaga filan dhibta    qurba joogta siyaasad quutaha ahi sameeyeen

Qodobka koowad: waa tahariibta oo ay iyagu sahleen sababtuna ay tahay wiilkii ku dhashay  dalkan oo aabihiina ahaa agaasime ilaa intii uu dhamaysanaya Dugsiga sare ama dhexe ayaa kuna garaad saday abihii oo shaqeeya ayaa waxa uu jaamacadii galay aabihii oo shaqadii laga qaaday oo gurigii dhex fadhiya intii uu jaamacadana ku jiray kaga soo baxay xayraan nimo ogna aabihii inaanu shaqada ku waayin cilmi iyo aqoon la’aan balese ku waayay baasaaboorka cas ee xukuumada siilaayo jamatay dabadeena wiilkii waxa uu is yidhi inta sidan aabahaa ku dhacday ayna kugu dhicin iskaa tahriib oo adna baasaaboor soo qaado dee maxaa u diidaya waa inuu soo qaataa caydhan xisbiyada siiyaa soo na noqdaa isaga oo qurbe jooga .

Qodobka labaad waa dhankii wariyaasha tvga qaraka Somaliland waxaan maqlay wariye ka tahriibay tvga qaranka Somaliland oo qurbe u tahariibay waxa aan raadiyay sababta uu wiilkaasi u tahriibay waxa aan soo ogaaday  inay tahay wariyahay tvga qaranka ka shaqeeya ee hargaysa joogaa uu qaato waxaan qaadhayn 100 $AMA 200$ inka yar balse inanka jooga qurbahu uu qaato lacag gaadhaysa 1500 $ doolar dabadeedna qaarkoodba u soo guureen magaalada hargaysa oo xaasas koodii keeneen kuna dul qaataan lacagtii uu yurub ku qaadanayay taasi miyaanay keenayn inuu tahriibo wiilkii wariyahay ahaa ee hargaysa joogay maayaanay ahayn inuu tahriibo wariyahan TVGA qaranku si uu isna qurbe jooga u noqdo oo uu 2000$ qaato dabadeedna soo noqdo hadaba   muwaadin mi yay ahayn in qurbihii uu dawladeenii ku noqoday tiin dhan walba ka mudaya waxa taa ka daran kuwo iyaga ku foogan inay hadh iyo habeenn qoraan maqaalo dawlada lagu amaanayo oo ku odhanaya miyaanan si fiican u qorin kuwaas oo ilaawayay reerahoodii iyo caruurtoodii halka kuwa xilka loo magacaabaa tikidhka diyaarada iyo sahaday ay ka sii qaadanayaan wasaaradah ayjoogaan taasina noqtay kuwo ay ku dulman yihiin shaqaalihii wadanka joogay

Lasoco qormadan ta xigta waana  qormo socota

Qalinkii: Aadan Maxamed Xaaji aadan weli
Gabilay,Somaliland
Email: aadanswali@live.com

LEAVE A REPLY