Qoysas Danyar Ah oo Sheegay In Dhulkoodii Ay Xoog Kaga Qaadanayaan Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi

0
699

Hargeisa (Hargeisa Press)- Qoysas danyar ah oo oo degan galbeedka magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay cabasho xoogan ka muujiyeen qoyska Madaxweynaha Somaliland.

Qoysaskan oo ay tiradoodu dhan tahay 600 oo qoys ayaa waxaa ay sheegeen in dhulkoodii ay xoog kaga qaadanayaan Qoyska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Sidoo kale, Qoysaskan ayaa waxa ay sheegeen in laga dumiyay Guryahoodii, guryahaasi la dumiyayna ay ku jirtay Hooyo Umul ah oo haysatay 6 Caruur, islamarkaana ay ku xidhan tahay Saldhga.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY