Qorshaha Lagu Horumarinayo 60 Magaallo iyo Tuullooyin Oo Hoos Yimaadda Laascaanood Oo La Ansixiyay

0
619

Laascaanopd (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Yaarwale, ayaa maanta kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo tuullooyinka hoos yimaadda Laascaanood.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ayay u jeedadiisu ahayd ansixinta buugga lagu hagi doono degmadda Laascaanood shanta sanadood ee soo socda.
Waxaana qabsoomida shirkaasi iska kaashaday dawladda hoose ee Laascaanood iyo ururka ay ku midaysan yihiin dawladaha hoose ee Somaliland iyo haayadda VAG.


Shirkani ayay guddoomiyeyaasha iyo haaydh-tuuleyaashu ku soo gudbisanayeen baahiyahoodda aasaasiga ee shanta sanadood ee soo socda.
Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qorshahani uu noqon doono mid lagu horumarinayo 60 kaa magaallo iyo tuullo shanta sanadood ee soo socda.
Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta Ee Shirkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here