”Qoraalka Warbaahinta Wareegayaa Ee Uu Ku Jiro Magacayga, Waxaan Caddeynayaa In Aanu Aniga Ahayn” Captain Maxamed Cabdi Yoonis.

0
701

HARGEISA – Captain Maxamed Cabdi Yoonis oo kamid Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa si cad ubeeniyay qoraal Warbaahinta lagu baahiyay oo magaciisa laga been abuuray kaasi oo nuxurkiisu ahaa warqad furan oo madaxwaynaha jsl ku ku socota.

Sidoo kale Captain Maxamed Cabdi Yoonis ayaa sheegay in aanu waxba ka ogayn qoraalkaa magaciisa sida khaldan loo isticmaalay haduu yahay magaciisa iyo mid ay magac wadaagaantoona.

Qoraal kooban oo Captain Maxamed Cabdi yoonis ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa udhignaa sidan;

”Qoraalka Warbaahinta Wareegayaa Ee Ku Jiro Magacayga Magac la mid ah kayga ama aanu Magaca Wadaagno ,Waxaan Caddeynayaa In Magacaasi Aanu Aniga Ahayn .

Waxaan Mar Labaad Shacabka Somaliland U Caddeynayaa In Magacaasi Aanu Aniga Ahayn

.

Allaa Mahad Leh

Captain Mohamed Abdi Yonis.

Qoraalka lagu sheegay Aqoonyahanka Madaxwaynaha Warqada furan Udiray Ayaa Noqonaya kii Masuulkii Sedexaad Uu beeniyo in aanu kamid ahays islamarkaana laga been abuuray magaciisa.

Captain Maxamed Cabdi Yoonis (Daljir) ayaa kamid Ah dhalinyarada reer Somaliland ee dadaalka muuqda samaysay islamarkaana ah dayarta dalkooda hooyo utagaan difaaciisa isaga oo dalka jamhuuriyada Somaliland dhexdiisa waxbarashadiisa heer jaamacadeed ku diyaariyay kana mid ah dhalinyarada hiigsiga u ah dayarta dalka ee ka dhex muuqda ciidamada jamhuuriyada Somaliland,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here