QORAALADA BEEN ABUURKA AH IYO QARDO-JEEXA TEBIYAHA,LABA AAN I WADA QABAN!! W/Q:Sacad Maxamuud (Gadhle)

0
1220

Sacad gadhleWaa qalin sugan,oo si sax ah farta ugu fiiqi doona qoraalo habowsan,oo xaqiiqada ka fog,marar badana qas iyo jahawareer galiya wararka ay hamuunta u qabaan bulsho-weynta somaliland,tebiyayaasha qoraaladan been-abuurka  ayaa u muuqda qaar ujeedada kaliya ee ay ka leeyihiin ay tahay in lagu xajiimeeyo masuuliyiinta iyo madaxda qarranka somaliland, sidoo kale qorayaasha maqaaladan ayaa u eeg qaadaa-ma- dhargeyaal  caadaystay been-abuurka ishooduna ayna libiqsan. kana qaloonin qoraalada been abuurka ah  qalin-maalkana shaasheeyay.

dhaqanadan ayaa lagu tilmaami karaa maah-maahda odhanaysa:” Waraabe naftiisana uma roona naf kalena uma roona”.

soo saarayaasha qoraaladana been abuurka ah ayaa mararka qaarkood si farshaxanimo  leh  loo qoraa  oo qofkii akhriyana lagu qaldi karaa, kuwaasi oo  lagu baahiyo qaar ka mid ah shabakadaha barta internetka wararka ku gudbiya.

intaasi kadib hadaan u soo gonda dago dulucda maqaalkaygan kooban: akhriste!, ka bogo  falanqayntii iyo murtidii QURBE-jOOG IYO QODAAL-JOOG:

– QURBE-jOOG:
waligaa qalinkeenu

muu daboolka ka qaadey

qoraal aan sal lahaynoo

qalin-maalka sadheeyay

QODAAL-JOOG:

Maanta kuu qarin maayee

doqon baa qurux Moodey

Qaladkuu u badheedhay
QURBE-jOOG:
Qodaalow Abna-waaska

Markii aan Qaladkiisa

Qaradiisa la Yaabay

Qalinkaa Ka Dacwoodey

Qareen baa u Hadlaaya
Xeerka qeexi yaqaana
QODAAL-JOOG:

Doqonkaa Qasdigiisu

Qoraal beena ahaadey

Ha ka dhamo qadhaadhkee

Qodob Xeerku SHeegiyo

SHarcigaa Qaban doona
QURBE-jOOG:
Doqonkaa qadi-maaya

fikirkiisa qalooca

qorshihiisa ma sheegay??
QODAAL-JOOG:

ninka beenta qorayaa

qorshihiisa kuma darin

inay been qadhaadh tahay

qodaxdeedu badan tahay

qoraaguna u nugul yahay

SHaraftana ka qaadoo

Qaawisa warkiisoo

shaashaysa qalin-maal

QURBE-jOOG:

kuwan beenta qubayaa

qabiilkooga hoosiyo

qoladooda ii sheeg?

QODAAL-JOOG:

waa qolo u taba baran

qoritaanka beentoo

waa qaraabo goysoo

qabiilkooga hoosiyo

qoyskaa giriifoo

qaadhaan ma bixiyaaan!

QURBE-jOOG:

Qoraagii fikirkiisa

wadankiisa u quudha

quman ee na tilmaama,

isagoon qardo-jeexin

rayi qaaliya dhiibta

qun-yar sheega dhaliisha

qindigaygaba weeyoo

qormadiisa ma hiifo

,,,,,,,,,,,  la soco qaybaha dambe iyo dib u curashadii qalinka ,,,,,


Qalinkii : Sacad Xaaji Maxamuud(Gadhle)

Gabiley Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here