“Qoladdan Baarlamaanka Wallaahiddii Beenta Ahayd-baa Wadnaha Caddaysay….”Siyaasi Cali Guray

0
1321

Hargeysa, (HargeisaPress)- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka garaabo aaminaadda Xisbiyaddu ku qabi karaan Cabdirashiid Riyo-raac oo loo ansixiyey inuu ka mid noqdo lixda xubnood ee komishanka doorashooyinka qarranka. Islamarkaanna wuxuu Madaxweynaha ku dhalliilay inuu soo magacaabo xubin muran badan dhallisay, balse haddii uu ku dheganyahay uu soo magacaabbo Wasiirka Madaxtooyadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

Siyaasi Cali Guray wuxuu sidda ku sheegay waraysi uu siiyey Teleshinka Sahan, waxaannu si aad ah dhaliil ugu jeediyey Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo aanay u kala caddayn Xaaraanta iyo Xalaashu, isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi  “Cabdirashiid riyo-raac waa siyaasi caana oo reer Somaliland ah oo cid waliba taqaano, waliba Xisbiga Kulmiye ku suntan, haddii xisbiyadda mucaaridku ka shakiyaan, isagoo Kulmiye sheegay in aannu golaha dhexe ku jirin. Haddanna aaminadda Xisbiyaddu waa gar, haddii Madaxweynaha siddaa kaga dhegantahay waxa ka fiicnayd inuu Wasiirka Madaxtooyadda amma Wasiirka Maaliyadda u magacaabo . Laakiin xubin muuq dhalisay inuu soo magacaabbo runtii may ahayn”Ayuu yidhi Cali Guray

Sidoo kale, Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), wuxuu sheegay in Xildhibaannadda Golaha Wakiiladdu ku tamariyaan wixii doorashadda dib u dhigaya, iyagunna ay ku heli karaan muddo kordhin“Qoladdan Baarlamaanka iyagga waa la yaqaanna oo kitaab-bay baalaha wadda jareen oo wallaahiddii  beenta ahaa ayaa wadnaha caddeeyey, iyagu halkaas bay ka soo qoslayaan marka uu ku soo socdo mashruuca lagu ansixinayo komishankan cusubi. Waxay ka helaan waxkasta oo la isu-qabsannayo oo sababaya in aan doorasho dalkaa ka dhicin si ay muddo-kordhin u helaan, waxa intaa u dheer Akhirro danteeddee wixii degan ku haameeyaa oo xalaal iyo xaaranni umma kala cadda. Marka ansixinta ayay ansixiyeen way xalaalaysay xubbinnimaddii Cabdirashiid Riyo-raac iyo lixda xubnood ee kale.”Sidaa ayuu yidhi Cali Guray

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

 

LEAVE A REPLY