Qofkii ugu horreeyey oo Coronavirus ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya

0
447

Muqdisho—Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey uu Soomaaliya u dhintay cudurka Coronavirus, sida uu sheega Af-hayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu yahay nin 58 sano jir ah oo aan safrin.

Soomaaliya waxaa ilaa haatan laga helay 8 kiis, waana qofkii ugu horreeyey ee cudurkan u dhintay.

Dawladdu faahfaahin kama bixin in ninkaasi uu fayraska qaadsiiyey dad kale.
Dawladda Soomaaliya ayaa 16-kii bishii maarso xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xilligaas sheegtay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah.

Qofkaas ayaa markii dambe ka bogsooday xanuunka.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY