Qofka Sigaar Nuugga Ah Haddii Uu Dhiigfuran Maskaxda Ahi Ku Dhaco Waxa Uu Khatar U Yahay In Uu Ku Soo Noqdo

0
856

Beijing Cilmibaadhis cusub o ocaafimaad ayaa daahfurtay in dadka sigaar nuugga ah haddii uu ku dhaco dhiigfuran maskaxeed ee ka kacaa, haddii aanay sida ugu dhaqsaha badan sigaarka u joojin ay u badan tahay in uu marar dambe ku soo noqdo.

Cilmibaadhiso badan ayaa hore isugu xidhay sigaar nuugista iyo khatarta ah in qofka uu dhiig madaxa kaga furmo, ama ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiiggu, oo ay ka mid tahay in uu wadnaha ama maskaxda dhiiggu ka xidhmo iyo in dhiigfuran maskaxda ahi ku dhaco.

Dadyow kala duwan oo ay xeeldheereyaasha cilmibaadhistan cusub sameeyey tijaabo ka qaadeen ayaa ay ka soo baxday natiijo ah in boqolkiiba 48 dadka sigaar nuugga ah ee uu dhiigfuranku ku dhacay, ee aan iska deyn sigaarka uu ku mar labaad ku dhuftay faalliggu.

Daraasaddan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal caafimaad oo uu hormuud u ahaa Dr. Jilin Shu Fi oo ka tirsan jaamacadda caafimaadka ee Nanjing oo ku taalla gobalka Jiangsu ee dalka Shiinaha waxaa natiijadeeda lagu faafiyey joornaal caafimaad oo ay soo saarto jimciyadda dhakhaatiirta wadnaha ee dalka Maraykanka.

Geeska

LEAVE A REPLY