Qof Ku Dhintay Roobab Dabaylo Wata oo Boorama Ku Dhuftay

0
1823

Boorama (Hargeisa Press) – Ugu yaraan hal qof, ayaa ku dhintay tira kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib roobab laxaad leh oo dabaylo wata ay xalay ku dhufteen Magaaladda Boorama iyo qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada.

Geerida qofka dhintay iyo dadka kale ee ku dhaawacmay roobabkaasi, ayaa la sheegay inay sababeen guryo dumay, iyo qaar ay ku dhaceen jiingadaha dabaysha la socotay oo roobka ay fujisay.

Roobabkan laxaadka lahaa ee watay dabaysha,  ayaa sidoo kale khasaare xoogan gaadhsiiyay Ceelasha Biyaha ee Shirkada Shaaba ee ku yaala Dooxa Camuud iyo Dugsiyo Waxbarasho oo dhawr ah, iyadoo roobku uu gooyay jidad.

Waxaa kaloo ay roobabkaasi ay waxyeelo xoogan u gaysteen Dadka Xoolo Dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Camuud, kuwaasi oo ay kaga le’deen tiro badan oo xoolo ah.

Deegaannada roobabkaasi ay khasaaraha u gaysteen ee waxyeeladu ka soo gaadhay dadka iyo duunyadaba, ayaa waxaa u kuurgalay xaaladooda, Maamulka gobolka Awdal iyo masuuliyiinta Shirkada Shaaba, iyagoo tacsi u diray dadkii ay saameeyeen Roobabkaas.

LEAVE A REPLY