Qodob Halis Ku Ah Somaliland Oo Uu Farmaajo Heshiis Kula Galay Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Hunguri Ka Haya Badda Somaliland.

0
894

“Xogahan Ayaa Lagu Sheegay Inuu Farmaajo Damacsan Yahay, Kana Mid Tahay Qorshayaasha Ay Abiy Ahmed Ka Wada Hadleen Inuu Ku Wareejiyo Qaybo Ka Mid Ah Goobaha Ugu Mihiimsan Gobolada Awdal Iyo Salal.

Hargeysa, (HargeisaPress) – Iyada oo wali dad badani is waydiiyaan nuxurka qarsoon ee heshiisyada qarsoodiga ah ee dhex maray Madaxweynaha waddanka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo muddo huursanaa kuwaasi oo qaarkood iftiiminayaan Arrimo xasaasi ah oo si gaar ah u taabanaya qaddiyadda dhuleed iyo madax bannaani ee Somaliland.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qaar ka mid ah heshiisyada mabda’ ahaaneed ee hore u dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kulamadoodii ka kala dhacay Addis Ababa iyo Muqdisho oo qaar ka mid ah Wargeyska FOORE soo gaadhay oo ay noo xaqiijiyeen diblomaasiyiin Soomaali ahi. Waxa ka mid ah qodob xasaasi ah oo Somaliland si gaar ah u taabanaya kaasi oo ah in dawladda Waddanka Itoobiya ay Farmaajo ka saxeexatay Deked ay ka hir gashato Magaalada Saylac si ay dekad ganacsi iyo fadhiisin badeed ugu noqoto waddanka Itoobiya.

Xogahan oo aannu ka helnay Masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya waxa ay noo sheegeen in siro hoose oo ka fakaday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay faafiyeen qaar ka mid ah la taliyayaashiisu ay sheegeen in qodobada qarsoodiga ah ee ku jira heshiisyo dhawr ah oo dhex maray Abiy Axmed iyo Farmaajo ay ka mid tahay damac ballaadhan oo dawladda Itoobiya ka qabto saldhigyo badeed oo dhawr ah oo ku kala yaalla wixii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya), taasi oo dhinaca Somaliland ay ka doonayso Magaalo xeebeedda Saylac ee Gobolka Salal.

Illaa imika lama oga qaabka dawladda Itoobiya arrinkan u maaraynayso maadaama ay Somaliland xidhiidh muddo dheer ah la lahayd inkasta oo aanay marnaba u aqoonsayan dal ka madax bannaan Soomaaliya, balse waxa xogahan Foore helay xusayaan in Itoobiya laba jid u marayso damacaasi ku aaddan Dekedda Saylac oo ah in ay marka hore dawladda Soomaaliya ogolaansho uga hesho kadibna ay gorgortan hoose kala yeelato Somaliland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay in uu qodobo dhawr ah oo xasaasi ah kula heshiiyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa uu heshiiska qodobkan la xidhiidha isagu uga gol leeyahay in uu ku wiiqo xidhiidhka muddoda u dhaxeeyay Somaliland iyo Itoobiya balse lama oga sida xaaladdani labada dhinac uga wada hir gali karto maadaama aanu Farmaajo wax saamayn ah ku yeelan Karin bixinta dhul aanu xukumin ama awooddiisa ku jirin marka laga tago aqoonsiga dawladdiisa ee beesha caalamka.

Waxa xusid mudan in goobaha kale ee dalkaasi Soomaaliya ay dawladda Itoobiya damaca ka qabto ka mid ah xeebaha Gal-mudug waana damac istaraatiiji ah oo wakhtiga ku habboon ay doonayso ina ay dawladda Itoobiya ka midho dhaliso iyada oo ciyaaraysa siyaasad ay madaxa ugu buuxinayso Madaxda Muqdisho oo ay ugu ballan qaadday in wax kasta oo la xidhiidha arrimaha masiiriga ah ee Itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya ay u marayso oo kali ah dawladda Federaalka ah.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen xogo rasmi ah oo tibaaxaya damaca Itoobiya ee Biyaha xeebaha dhulka Soomaalida iyada oo dardar galisay dhismaha ciidan badeed oo awood badan waana ta loo badinayo in qaddiyaddani dabada ku hayso.

Foore

LEAVE A REPLY