Qaybtii Labaad: Qodobo aan jecelaystay in aan idinla wadaago: W.Q: Sahra Kiin Abdirahman

0
965

1.Qof kasta u samafal – ha wanaagsanaado ama yaanu wanaagsanaane, taasi waxay ku dhaxalsiinaysaa in aad ka badbaado sharkiisa, qalbigiisana aad hanato
2.Qof kasta oo innaga mid ahi waxa uu jecelyahay in loo ilaaliyo shanta waxyaabood ee daruuriga ah ee ay diinteennu ilaalisay (Diinta, Nafta, Caqliga, Maalka iyo cirdiga) si laguugu ilaaliyo noqo adduu mid ilaaliya marka horeba markaasaa adigana laguu ilaaline.
3.Dhaqaaluhu waa il. Sida uu u leeyahay meel uu kaasoo galo ayuu u leeyahay meelo uu kaaga baxo. Ha noqdaan xalaal meesha uu kaasoo galayo iyo qaabka loo maamulayaaba.
4.Wax waad bilaabi kartaa, laakiin way innagu adagtahay inaan joogtaynaa, ha bilaabin haddaanad joogtaynayn, wax badan oo googeysa oo aad qabto wax ka muhiimsan wax yar oo aad joogtayso.
5.Waligaa ha uga faa’iidaysan dadka baahidooda.
6.Diintu waa nasteexo, haddii camalka walaalkaaga muslimka ahi ku qancin waayo ha ka boodin , ha ku nicin, ha ku caayin – waa dusha uune dhaska sare ka tun waxa u hooseeya jawharad (Laa’ilaaha ila laah, Maxamadow Rasuululaah).
7.Siduu Nabigu inoo sheegay NNKH kalmada wanaagsani waa sadaqo, ku dadaal hadalka wanaagsan, xitaa hadii hadal xun lagu yidhaa ku jawaab mid wanaagsan intii qofkaasi kugu saamayn lahaa waxa xun oo aan dhanaba kuu fiicnayn adigu ku samee wax fiican oo dhan walba kuu fiican ood wacnaan iyo wanaag aakhiro ku helayso.
8.Ogow wax kasta oo wanaagsan oo aad doonaysaa in uu adiga kaa bilaabmo, markaa waxa adiga kugu xidhan bilawgiisa, socodsiintiisa iyo joogtayntiisuba cid kale ha ka sugin, hana ku canaanan.
9.Waxa aan muraayada isugu eegnaa si ay isku keen tusto kadiba aan u helno fursad aan isku saxno. Markaa inaad adigu is qiimayso, oo dhaliishaada saxdo ayaa ka muhiimsan intuu qof kale kuu sheegi lahaa adiguna aad ku mashquuli lahayd tiisa. “Tiisaba daryeelaa tu kalena ku dara”
10.Adiga, Aniga, Isaga, Iyada iyo dhammaanteen midna ma uu dooran, qabiilkiisa, qaabkiisa, dhalashadiisa, arsaaqadiisa, abuurtiisa, aqoontiisa IWM. Rabbi ayaa innoogu deeqay ugu mahadnaq Eebbe SK. Ku faan oo ku hanweynow sidaa uu Rabbi kuu dooray. Mid kula mid ah oo aan dooran isaguba maaha inuu ku niyad jabiyo oo uu hoos kuu dhigo. Madaxaaga kor u qaad, ku qanac waxaad haysato, wixii kaa maqanna ku raado sharaf iyo wanaag.

 

Guul iyo Gobonnimo!!!
W.Q:Sahra Kiin Abdirahman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here