Qaxooti kasoo cararay Colaadda Koonfurta Suudaan oo soo buuxiyay Itoobiya

0
894

news logo HPAddis Aabab,(HargeisaPress) —Dowladda Itoobiya ayaa marti-galisay 188,000 oo qaxooti ah, kuwaasoo intooda badan kasoo cararay colaadaha sokeeye ee ka jira Koonfurta Sudaan oo daris la ah Itoobiya sida lagu sheegay warbixin arinta laga so saaray.

 

Tiro dhan 247,000 oo ruux oo wadankas u dhashay ayaa si rasmi ah isaga diiwaan-galiyay xeryo qaxooti oo gaaraya 23 kaam oo qaar kamid ah ay ku yaalaan xadka Itoobiya ay la wadaagto dalalka dariska ah.

 

Waxa kalo warbixinta lagu sheegay in tiro dhan 99,000 oo ruux oo Eritrean ah ay Itoobiya soo gaadheen todobadi bilood ee la soo dhaafay si ay magan-galyo qaxtoonimimo uga helaan dalkan halka tiro dhan 245,000 oo Somali ah iyagana laga diiwaan-galiyay xeryo ku yaalla Itoobiya.

Roobab xoogaan oo ka da’ay qaybo kamid ah gobollada ayaa sababay in waxyeello ay ka soo gaadhto tiro lagu qiyaasay 47,600-qof oo ku xaraysnaa xerada shanaad ee ugu weyn dalkan,waxaana la sheegay in ay u baahan yihin gar-gaar deg deg-ah oo lala soo gaaro.

Hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa bilowday qorshayaal lagu caawinayo dadkan dhibaataysan ,iyaga oo kaashanaya qaar kamid ah dowladda federaalka ah ee Itoobiya si loo dhimo khasaaraha ka dhashay daadadkan.

Ugu danbaynti colaadaha Koonfurta Suudaan oo soo bilowday bartimihii bishii tobonaad ee sanadki hore ,waxaa ilaa iyo hadda si rasmi ah ugu barakacay tiro dhan 1.861 oo ruux oo u badan dumar iyo caruur sida lagu cadeeyay warbixin ka soo baxday UNHCR.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY