Qarramada Midoobey oo War Ka Soo Saartay Weerarkii Al-Shabaab Ku Qaaday Xarunta Xalane

0
830

Muqdisho (Hargeisa Press)- Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu cambaareeyay Hoobiyeyaashii maanta lagu qaaday xarumaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaal caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Xalane.

“Waxaan aad ula yaabay ficilkan argagaxa leh ee argaggixisannimada ee lagula kacay shaqaalaheenna, kuwaasoo shacabka Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta. Nasiib wanaagse, in badan oo shaqaalaheenna ah ayaan wax cabsi ah laga qabin. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan dhaawacyadooda, ”ayuu yidhi Mr. Swan.

“Ma jirto sabab loo qaadan karo falalkaas naxariis darrada ah, Qaramada Midoobayna waxay wali ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto jidkeeda nabadda, xasilloonida iyo horumarka.” ayuu kusii daray Swan.

Inta la xaqiijiyay Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin Askarta  Ciidamada Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay dhismaha iyo hal qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka ayaa ku dhaawacmay Hoobiyeyaasha.

Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ayaa ah goob ay degan yihiin xubnaha beesha Caalamka, waxaana sidan oo kale dhowr jeer lagu qaaday weeraro Khasaare geystay.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY