Qaraxyo Waa Weyn oo Gilgilay Magaalada Beirut

0
1219

BEIRUT (Hargeisa Press) — Laba qarax oo waa weyn ayaa ruxay magaalada Beirut ee caasimadda Lebanon, kuwaas oo dhaawacay tobaneeyo qof, gilgilay dhismooyinka, islamarkaana qiic badan kusii daayey hawada magaalada.

Warbaahinta Lebanon ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya dadweyne ku hoos jiray burburka dhismooyin, kuwaasi oo qaarkood dhiig badan uu ka daadanayey.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxyada.

“Qaraxyada waxaa ku dhaawacmay tobaneeyo qof,” waxaa sidaas yidhi ilo-wareedyo amni.

Weriye ka tirsan AFP oo goobta ku sugan ayaa sheegay in dukaan kasta oo ku yaalla degmada ganacsiga ee Hamra, ee qaraxa uu ku dhacay, ay waxyeello soo gaadhay, iyada oo dhammaan qeybahooda hore ay burbureen, halka baabuur bandanna sidoo kale ay waxyeelo gaadhay.

Waxaa la arkayey dad dhaawac ah oo waddooyinka soccda, kuna sii jeeda xarunta caafimaadka Clemenceau, iyada oo qaarkood uu dhiig daboolay jidhkooda.

Qaraxyada ayaa laga maqlay meelo fogaanshahooda uu gaadhayo magaalada Nicosia ee jasiiradda Qubrus, oo 240 km u jirta Beirut.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here