Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo

0
795

Gaalkacyo (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxaa ay sheegayaan in fiidnimadii xalay uu qarax xoogan ka dhacay magaaladaasi.

Qaraxa, ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Embassy ee Koonfurta Gaalkacyo, ka dib markii Mooto Bajaaj walxaha qarxa la soo saaray ay halkaasi ku qaraxday.

Dad goobjoogeyaal ah, ayaa Warbaahinta u sheegay in saddex nin oo saarnaa Mooto Bajaajta ay ku dhinteen qaraxaasi, isla-markaana aanay jirin cid kaloo wax ku noqotay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) oo goobta kula hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen Laba Nin, oo midkood uu ku sheegay wadihii Mooto Bajaajta, halka kan kalena uu ahaa ninkii qaraxa waday.

Waxaa uu Gudoomiyuhu intaa ku daray in ujeedka Ragani uu ahaa inay waxyeeleeyaan dadka rayidka, ha yeeshee uu Alle iyagii ku celiyay dhagartii ay maleeygayeen.

Geesta kale, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/dhexe Qaasim Sheekhdoon Cali, ayaa sheegay inay wadaan baadhitaano ku aaddan qaraxaasi, dibna ay faah faahinta ka soo sheegi doonaan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan ugu dambeeyay ee xaalay ka dhacay Koonfurta magaaladda Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY