Qarax Maanta Ka Dhacay Muqdisho Oo Dad Badani Ku Dhinteen

0
900

Muqdisho (HP): Ku dhawaaq dhawr iyo toban qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaacantay Qarax maanta ka dhacay xero ciidan cusub ay dawladda Soomaaliya ku qoranaysay oo ku taalla magaaladda Muqdisho.

Inkastoo ay jiraan warar arrintaasi la xidhiidha oo sheegaya in tiradda dhimashadu kor u dhaafayso 20 qof. Balse masuuliyiinta amaanka ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in toban qof ay qaraxaasi ku dhinteen.

Qaraxaasi oo la sheegay inuu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo xidhay, ayaa ka dhacday xerrada ciidanka Jeneraal Dhego-badan, ee magaaladda Muqdisho.

Halkaasoo lagu qorayay dhalinyaro la doonayay in loo qaato ciidanka xooga dalka Soomaaliya, gaar ahaana ciidamadda uu tababaro Turkigu. Sidoo kale qaraxaasi ayaa sababay khasaare kala duwan oo hantiyeed.

Xerradan qaraxu ka dhacay ayaa hore loo odhan jiray ama loogu yiqiinay wershadii Nac-naca. Balse waxaa dhawr sanno ka hor loogu magac daray taliyihii hore ee ciidamadda xooga dalka Soomaaliya Jeneraal Dheg-badan, oo ay hore Al-shabaab qarax ugu dileen.

Geesta  kale taliyaha ciidanka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa ka hadlay qaraxaasi, oo uu ku tilmaamay in qaraxaasi uu ka dhacay bar kaantarool oo laga gallo xeradaasi oo laga qorayay dhalinyaro oo xiligaasi sugayay baadhitaan.

Taliye Odowaa, oo war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadaasi waxa uu sheegay in qaraxaasi uu la mid yahay dhacdooyinka ay kooxaha dawladda ka soo hor jeeddaa fuliyaan.

Dhinaca kale xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay baahiyeen barraha Internet-ka ee taageera Al-shabaab.

Daawo: Warka Qaraxaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here