Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Boosaaso

0
492

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in qarax xalay ka dhacay bosteejada laga raaco gaadiidka isaga kala goosha magaalada ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof.

Qaraxa oo ka dhashay miino jidka la dhigay ayay wararku sheegayaan in bartilmaameedkiisu ahaa baabuur ay la socdeen ciidamo ku gaaf-wareegayay magaalada, si ay u hubiyaan dhaqan-galka bandowga xilliga habeenkii ah ee lagu soo rogay Boosaaso.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhaawacyadu ay isugu jiraan sagaal qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidanka amniga ee Boosaaso.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmay xilli ay guud ahaan magaalooyinka Puntland ka dhaqan-galeen bandoow habeenkii ah. Todobaadki hore ayay aheyd marki qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal.

VOA

LEAVE A REPLY