Qarax Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Shirkada Dahabshiil Ee Magaalada Muqdisho

0
738
Muqdisho (HargeisaPress) – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday qof kalana wuu ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay afaafka hore ee Shirkada Dahabshiil ee caasimadda Muqdisho.

Gaadhi yaallay meel ku dhow dhismaha shirkadda Dahabshil ayaa qarxay, iyadoo la sheegay gaadhi inay lahayd shirkadda, sida ay warbaahinta gudaha ku warrantay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa gaadhiga lagu xidhay, sidoo kale hay’adaha ammaanka ilaa hadda kama soo bixin warbixin qaraxa lagaga hadlay.

Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe aad loo adkeeyay, waxaa ka socda caasimadda dabaaldegga xuska toddobaadka xoriyadda.

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here