Qarax Dhimasho Oo Dhaawac Sababay Oo Goordhawayd Kismaayo Ka Dhacay

0
384

Kismaayo (HP): Waxaa goor dhawayd  oo galabnimadan maanta ah magaaladda Kismaayo ka dhacay qaraxay qabsaday gaadhi Bas ahaa oo ay la socdeen koox ciyaartooy ah.

Wararka waxay sheegayaan in baska ay la socdeen ciyaartooyda kooxda lagu magacaabo JCCI ee Kismaayo ka dhisan, sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Waxa kaloo uu warku sheegayaa  in gaadhiga uu gubtay ayna jiraan dhaawacyo iyo dhimasho, inkasta oo weli aan la xaqiijin inta uu la egyahay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Dowladda Soomaaliya, SONNA, waxaa qaraxa ku dhimatay afar qof oo ka mid ahaa ciyaartoyda.

“Halkaas oo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland uu ka daah furi lahaa galabta tartan u dhexeeya kooxaha magaalada oo ku saabsanaa isdhexgalka bulshada”, sida uu qoray bogga Radio Muqdisho, gaariga siday ciyaartoyda wuxuu ku sii jeeday garoonka kubadda cagta.

Dadkii la socday gaadhiga waxay ka tirsan yihiin Kooxda Kubadda Cagta Rugta Ganacsiga Jubaland.

Dhinaca kale ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, hase yeeshee qaraxyadda ka dhaca koonfurta Soomaaliya waxaa intoodda badan sheegata xarakadda Al-shabaab.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here