Qarax ay Dad badani ku Naf-waayeen oo Maanta ka dhacay dalka Afghanistan + SAWIRRO

0
1669

AFKKabul, Afghanistan ,(HargeisaPress) — Ugu yaraan 89 ruux ayaa geeriyootay ,iyadoo tiro intaa ka bandanna ay ku dhawacmeen qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay oo lala beegsaday goob suuq ah oo ku taalla gobolka Paktika ee bariga Afganistan.

“Xiligan la joogo booliska waxa ay dadka dhaawaca ah u daad-guraynayaan cisbitaalada “ayuu yiri ku xigeenka booliska gobolkaas oo lagu magacaabo Nissar Ahmad Abdulrahimzai, kaasoo la hadlayay Wakaalada wararka ee Reuters.

Weerarkan qaraxa ah ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogayn xuduudka uu Afganistan la wadaago Pakistan, iyadoo la aaminsanyahay inay fuliyeen kooxo ka tirsan ururka Talibaan oo mucaarad ku ah dowladda Afganistan.

Abdulrahimzai ayaa sheegay in laamaha amniga ay daba-gal ku hayeen gaariga ka hor intii uusan qarxin ,waxaana uu xusay in qaraxan uu ahaa mid culus oo khasaara baaxad leh u gaystay goobo laga dukaamaysto iyo dad ku dhow boqol ruux.

Dhinaca kale qarax loo adeegsaday rumuud kontorool ayaa lagu dilay laba ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska madaxweyne Hamid Karzai, iyadoo sidoo kalena lagu dhaawacay shan ruux oo kale oo ka mid ahaa booliska Kabul.

Qaramada Midoobay ayaa weerarradaas ku tilmaamtay kuwa arxan darro ah, waxaana sii kordhaya tirada dhimashada sida la shaaciyay, iyadoo suuqa la beegsaday la geeyay ciidamo tiro badan si ay uga hortagaan weerraro hor leh.

Ugu danbayn, Taliban ayaa saacado ka dib ku dhawaaqay masuuliyadda weerarrkaas, xilli ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan Afganistaan qaarkood laga saaray goobihii ay kaga suganaayeen dalkaas.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here